Somaliland: Xukuumadda Oo U Riyaaqday Jabhad Cali Khaliif Ka Saartay Buuhoodle

Date:

Mudaharaaddo rabshado wata oo lagaga soo hor jeeday Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxaana la sheegay in gacan ku haynta magaaladaasi ay la wareegeen ciidamo hubaysan, kuwaasi oo amar ku bixiyay in uu Buuhoodle ka baxo hogaamiyaha kooxda nabad-diidka. Mr. Galaydh ayaa la sheegay inuu magaaladda ka baxay hase yeeshee ku sugan yahay tuullooyinka ku yaalla duleedka Buuhoodle.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mudaharaadka iyo rabshadaha shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle, waxaanay sheegtay in isu soo baxaasi uu ahaa mid lagaga soo hor jeedsaday isku day uu hogaamiyaha kooxdka nabad-diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh ku doonayay in uu dagaal sokeeyo kaga rido deegaanka Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen iyo xaaladda wakhtigan ee magaalada Buuhoodle, waxaanu yidhi “Sababta mudaharaadka keentay waxa weeye markii ay dadka deegaanku ka war heleen in Cali Khaliif Galaydh doonayo in uu dagaal ka rido deegaanka Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, dadweynaha reer Widhwidh-na wakhtigan dhammaantood way ka soo hor jeedaan jabhadayntiisa aan caqliga ku dhisnayn.”

“Cali Khaliif Galaydh ciidan ayuu abaabulay weerar ku qaada Widhwidh, dadkii reer Buuhoodle-na way diideen in goddob laga galo oo dadkoodii lagu weeraro deegaankooda, waxaanay doonayaan caqli kale oo aan dagaal ahayn,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha Sool.

Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Maanta (shalay) Cali Khaliif waa oday siddeetan jir ah oo doonaya in uu haddana  ku shaqeeyo jabhadayn laga yimi, dad aan gumaysi dul joogin, dad aan la dhibaynin wax loo taro mooyaane ayuu doonayaa in uu dagaal geliyo, maanta Buuhoodle dadkii way diideen, weliba kuwa ka soo hor jeedsaday  maaha kuwii Somaliland taageeri jiray Ciidamadii uu isagu sheegan jiray iyo ciidamo kale ayaa is abaabulay si Cali Khaliif looga saaro.”

 

“Somaliland waxba kuma aha in ay qabato Cali Khaliif, laakiin waxay diidaysaa dhiiga shacabkeeda in loo daadiyo si macno la’aan ah oo aan qiimo badan ku fadhiyin. Cali Khaliif Galaydh arrintiisu waa mid iska soo gabagaboobaysa, sababta oo ah maaha wax ku dhisan wax cilmi ah iyo afkaartoona,”ayuu yidhi Mustafe Shiine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...