Somaliland: War Deg-Deg Ah Dadweyne Cadhaysan Oo Huteel Uu Buuhoodle Ka Degenaa Ku Weeraray Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh.

Date:

Dadweyne cadheysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa dagaal ooge Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.

goobjoogayaal ku sugan Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kusoo warrantay in weerarkan maanta ay geysteen dad deegaanka ah oo careysan, iyadoo xustay in rasaas lagu furay hoteelka uu Galeydh ka deggenaa degmada Buuhoodle.

“Falka lagu weeraray Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa sababay, kaddib markii uu dhegaha ka fureystay dalab shacabka Buuhoodle uga yimid oo ahaa inuu isaga baxo degmadooda, haatanna waxaa socda kulammo lagu qaboojinayo xiisaddaas,” ayay tiri yidhi mid ka mid ah goobjoogayaasha

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in shacabka deegaanka ee weeraray Hoteelka uu dagaal ooge ka deggen yahay Buuhoodle ay dalbanayaan inuu ka baxo magaaladaas, inkastoo weli uu Prof. Galeydh ku sugan yahay Buuhoodle.

“Dadku waxay dalbanayaan inuu Prof. Cali Khaliif ka baxo magaaladooda, iyagoo ku an-dacoonaya in deegaannadii uu horay ugu sugnaa ay dhawr jeer qabsadeen qaar ka mid ah ciidamada Somaliland, waan taas midda ay ku dalbadeen inuu Buuhoodle isaga baxo,” ayay yiraahdeen dad ku sugan degmada Buuhoodle oo dhankooda la hadlay Warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...