Taliyaha ciidamada wadooyinka Somaliland Faysal Xiis ayaa waxaa uu ka hadley shil gaadhi oo saaka ka dhacey tuulada Haleeya ee duleedka magaalada Hargeysa .
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in uu marka hore tacsi u diraayo dadkii shilkaasi ku naf waayey isaga oo ku hadlaya afka ciidamda Booliska Somaliland sidoo kalena waxaa uu talyihu markale digniin adag u diray darwalada baabuurta wada waxaana uu yidhi .
” Sida aad ka warqabtaan xalay saacadu marka ay aheyd saddexdii waxaa uu shil culusi ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa waxana halkaasi isku jiidhay laba booyadood halkaasna waxaa ku naf waayey 5 ruux alleh ha naxariistee aniga oo ku hadlaya afka ciidamda booliskana waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyyoodey shilkaas .
Kiiskaas dhaceyna boolisku si mug leh ayuu u baadhayaa waxaana si deg deg ah loo geyn doona maxkamada , hore taliyaha ciidamda boolisku waa uu uga hadley iminkana waanu ku celineynaa waxaanu u sheegaynaa nimanka baabuurta wata in ay qunyar socdaan ” ayuu yidhi taliyaha ciidamda wadooyinka Faysal Xiis oo la hadley telefiishanka Star Tv.