Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”iyo wafti uu hogaaminayo oo kamida saraakiisha xisbiga oo ka amba baxya magaalada hargeysa ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada dalka maraykanka ee Washington.
Waxaana soo dhawaynta waftigan ka qayb galay masuuliyiinta xisbiga WADANI ee dalka maraykanka jahliyada reer Somaliland ee magaalada Washington iyo waliba taageerayaasha xisbiga.
Waxaana gudoomiye Cirro iyo waftigani oo muddo joogaya dalka maraykanka la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda xisbiga WADANI ee dalka maraykanka, jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka, taageerayaasha xisbiga iyo waliba madaxda dalka maraykanka.