Somaliland: Guddoomiyaha Xisbigga UCID Oo Saaka Dalka Dib-Ugu-Soo Laabtay,Kana Hadlay Ujeedka Safar Uu Dibadda Ugu Maqnaa Iyo Xaalka Xisbiggiisa Ee Wakhti Xaadirkan

Date:

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Dalka , ka dib safarro dibadda ah oo uu kaga maqnaa dalka .   Waxaana Gudoomiyaha Madaarka kaga hor tagay kuna soo dhaweeyay , masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale .   Gudoomiyaha oo qolka nasashada Ee Madaarka Hargaysa ugu waramayay Warbaahitna ayaa ugu horeen tacsi u diray Eheladii ay baxeen DHalinyaradii ku dhimatay doontii  ku dagtay Badda Masar .   Sidoo kale Gudoomiyaha oo ka hadlay Wada Hadallada Somaliland iyo Somalia ayaa soo jeediyay in aan wada hadallada Somaliland Iyo Somalia la sii wadin inta ay meesha ka baxayso bu yidhi Dawladdan uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh , maadaama bu yidhi aanay Daacad ka ahayn wada hadallada .   Gudoomiyaha oo ka hadlayay Xaaladda Xisbiga Ucid ayaa sheegay in aanu jirin Khilaaf ka dhex jira Xisbiga , balse bu yidhi uu jiro mashruuc ku socda xisbiga oo la rabo in sawir khaldan laga bixiyo Xisbiga  si aan loogu soo biirin , waxaanu carrabka ku adkeeyay in Xisibga ay ku soo biirayaan Dad iyo siyaasiyiin Miisaan leh .   War-fidiyeennada oo wax ka waydiiyay Dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyaha ee la Gudbiyay ayaa sheegay in aanay waxba soo kordhinayn , isagoo sheegay in Xisbigu Nidaam iyo sharciba uu leeyahay , waxaanu si gaar ah hoosta uga xariiqay dad uu ku tilmaamay in ay sheeganayaan xilal aan cidi u magacaabin .   Sidoo kale mar Gudoomiyaha wax laga waydiiyay Xaaladda Banka Qoolcaday , waxaanu Gudomiye faysal soo jeediyay in Dadka si fiican loo wacyi galiyo , bulshada Deegaankaana wuxuu ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan Mashruucan oo uu ku tilmaamay mid faa’ido badan u leh Dadka Deegaanka .   Ugu danbeentii waxaa su’aal laga waydiiyay halka uu marayo wada hadalladii Xisbiga Ucid iyo Isbahaysiga Kulmiye , waxaanu sheegay in ay laba jeer kulmeen , isla markaana haddi bu yidhi ay khayr u leeyihiin Xisbiga in uu alle keeno Haddi kalena uu garab mariyo .

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...