Gaadhi nooca aanay xabaddu karin ah (Pullet Proof) oo uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ku gubtay shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Qoolcaday oo ay dadka deegaanku dagaal la galeen ciidamada Booliska.
Wasiirka ayaa la sheegay inuu caydhsaday mid ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ka soo horjeeday ciidamada Amniga uuna doonayay inuu wasiirku gacanta ku soo dhigo ninkan balse ninkii hubaysnaa oo shish yahan ahaa ayaa toogtay mishiinka gaadhiga wasiirka halkaas oo uu gaadhigii wasiirku bartii ku fadhiistay. Ugu dambayna waxaa la sheegay inu wixii qalab ahaa ee lagala bixi karayay lagala baxay halkaasna uu wasiirku kaga yimi gaadhigiisii oo aanay xabadu kari jirin.
Wasiirka iyo wasaaradda arrimaha gudha midkoodna kama hadlin arrintan waxaase la fahansan yahay inay mahadho ku reebi doonto wasiirka maadaama oo qiimaha gaadhigani aad qaali u ahaa.