Somaliland: Gaadhi Dawladdu Leedahay Oo Hargeysa Lagaga Furtay Taarikada, Booliiska Oo Baadi-goobaya Iyo Dareenka Dhanka Ammaanka

Date:

Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa baadi-goobaya Laba Bileydh (Taariko) oo laga furtay Gaadhi Noha ah oo uu leeyahay Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranku.

Gaadhiga oo Lambarkiisu ahaaa  GT 1641, ayaa Gudaha Magaalada Hargeysa lagaga furtay Labadii Bileydh (Taariko) ee Xagga hore iyo Xagga dambe kaga yaalay, sida uu Wargeyska Himilo u Xaqiijiyey  Guddoomiye ku xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Maxamed Caabbi.

Masuulkan, ayaa sheegay in aanay garanayn Cidda ka furatay Gaadhiga labada Bileydh, laakiin ay Arrintaa u gudbiyeen Taliska Booliiska, ilaa haddana aanay wax jawaab ah ka helin Booliiska, “Gaadhiga waxa laga furtay labadii bileydh Nambar, waana Gaadhigii shaqaalaha qaadi jiray, waana nooca loo yaqaano Noha, waxaana labada bilaydh nambar laga furtay ilaa dhawr iyo toban maalmood ka hor, sidaa awgeedna waxaanu u gudbinay Ciidanka Booliska, illaa haddana wax jawaab ah kamaanu helin, wax hel iyo wax waaba, illaa haddana waxaanu jawaab ka sugeynaa Booliiska.”

Dadka Bileydhada furtay oo aan dhibaato kale u geysan Gaadhigan, ayaa Xogaha uu Wargeyska Himilo helayaan Sheegayaan in Ilaa hadda Ciidammada Ammaanku baadi-goobayaan, iyada oo ay soo baxayaan Warar kala duwan oo la xidhiidha Sababta labada Bileydh oo keliya looga furtay Gaadhiga.

Labada Bileydh ee laga furtay Gaadhigaasi, ayaa cabsi dhanka Ammaanka ah keenaya, maaddaama oo Kooxaha Argagixisada ahi Hababka ay isticmaalaan mararka ay Weerar fuliyaan ka mid tahay inay Adeegsadaan Bileydhada Gaadiidka, si ugu xidhaan Gaadiidka ay Hawl-galkooda u adeegsanayaan.

Gaadhigan laga furtay Labada Bileydh, ayaa muujinaya dayaca Gaadiidka Dawladda Somaliland haysta, haddii aan si dhaqso ah Wasaaradda Hawlaha Guud wax uga beddelin habka loo isticmaalo Gaadiidkana, waxay Dalka u horseedi karaan khatar dhanka Ammaanka ah, maaddaama oo Cid kasta oo fursad u heshaa sidan oo kale uga furan karto Taarikada, si ay ugu xidhaan Gaadiid lagu waxyeeleeyo Ammaanka Guud ee Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...