Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay dhibaatada Aafada Tahriibku ku heyso Dhallinyarada Dalka iyo sida loogu baahan yahay in Mucaarad iyo Muxaafid loogu midoobo wax ka qabashadiisa.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey Munaasibad lagu Daah-furay Buug laga qoray Taariikhda Alle ha u Naxariistii Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, ayaa sheegay in Waalidiin Badan oo Reer Somaliland ahi la murugeysan yihiin Ubadkoodii oo Baddu liqday, ka dib markii ay Dalka ka Tahriibeen, sidaa daraadeed aan loo baahnayn in la isku riix-riixo Waxqabashada Tahriibka ee tahay in si wada jir ah wax looga qabto.
“Waxa Baddu Liqday oo la la’yahay Boqollaal Dhallinyaro ah oo Ubaxii Dalkan ah, Toddobaadkaana Hooyooyin iyo Aabayaal bay u ahayd Oohin iyo Baroor-diiq, Guryo badana aan laga riyaaqeyn Caawa ee ay dhibaatadaa (Tahriibka) ay tabayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Ma Jecli inaan Cid gaar ah ku Xago ama ku tilmaamo, ee waxaan u arkaa Masuuliyad-wadareed ka dhexeysa mid Dawlad jooga, mid Mucaarad ah, Mid dhaqaale heysta, Mid Siyaasi ah oo Madax-bannaan ama Macalin ba ha ahaadee, waxaan Arrintaa u arkaa Masuuliyad-Wadareed Qarankeenu leeyahay, oo ay Muuqato inay baxayaan Dhuuxi Bulshadu oo ay Baaba’ayaan, Maalin walba ay taagan tahay (Tahriibku), laga yaabaa in la yidhaahdo aynu Shir ka yeelanno, laakiin aynaan weli helin Xal, in Midna iska difaaco, Midna ku Riixo (Eedda Dhallinyarada Tahriibeysa) Mooyaane ay yar tahay in si Waaqac ah oo miyir qabta loo derso Xalka, loona arko Qaran-jab innagu wada dhacay, ee aanay ahayn inaynu isku Wiirsanno, isku Canaananno, oo aynu isku Cayno. Way mudan tahay in la is-weydiiyo maxay u dhacday, Maxaynuse ka qaban karnaa.”
Wasiirkii hore ee Madaxtooyada JSL, waxa uu soo bandhigay Sababaha ugu badan ee Da’yartu Dalkooda Somaliland uga Tahriibayaan iyo Sida Xal loogu heli karo, waxaanu yidhi, “Dadku inay Socdaallaan baahi baa u Asal ah ee Dalxiis umay bixin, Dabcan shaqo la’aani way jirtaa, laakiin Shaqo la’aan oo keliya Maaha, balse waxa kale oo Dadka kaxeysay Waddani-yad la’aan, waxa muuqata inaanu Qiimo inala lahayn Waddankeenu. Diin la’aan baa jirta, ILAAHAY wuxuu yidhi Naftiina haku tuurina Mahalako. Waxa kale oo ka mid ah Aqoon la’aan, Waayo? Waxa kooban oo yar Tayada Waxbarashada. Waxa laga yaabaa in Dadka qaarkood Moodaan inaan dhaliilayo Wasiirka Waxbarashada, Anigaaba Shalay joogay Wasaaradda Madaxtooyada, waxaan qirsannahay in inkasta oo aynu dedaalnay in tayada Waxbarashadeenna wax badan ka dhiman yihiin, markaa waxaynu u baahan nahay Aqoon suurto-gelisa in Ubadkeennu ku sugnaadaan Guryahooda, oo ay Aqoontooda kaashadaan oo ay isku halleeyaan, oo ay ku meel-maraan. Waxaynu u baahan nahay Aqoon Tayo leh Iyo Waddaniyad aan Madhnayn.”