Somaliland: Xukuumadda Oo Shaaciyey Tirada Ma-gafayaal Lagu Qabqabtay Hawlgallo Boolisku Ka Fuliyey Hargeysa.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay tiro rag ka mid ah kooxaha tahriibiya dadka ee loo yaqaano Magafayaasha oo ciidammada ammaanku qabqabteen dhawrkii habeen u dambeeyey, kadib masiibadii ka dhalatay doonidii ku qarqoontay Badwaynta Midhitareeniyaanka ee ay ku nafwaayeen in ka badan afar boqol oo tiro badan oo ka mid ah ahaayeen reer Somaliland.

Wasiirul-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ugu yaraan 16 ka mid ah kooxaha Magafayaasha loo yaqaan ay qabqabteen habeennadii u dambeeyey, isla markaana aan la joojin doonin hawlgallada lagu raadinayo shabakadaha ka shaqaysta tahriibinta dhallinyarada ilaa xiddidada loo saaro.

“Nimanka la yidhaa Magafayaasha xalay ilaa habeen hore (Jimcihii ilaa Khamiistii) hawlagallo aannu qaadnay waxaannu ku qabqabannay 16 magafe, kana hadhi maynno ilaa aannu xiddidada u soo saarno insha Allaah. Waxaannu iskaashanaynaa dalalka aynu jaarka nahay oo xidhiidh baannu ka leenahay, iyagana iyo innagaba waa innagu dhib, hawshaasina way socotaa, ciidanka jooga ayaana hawlgalaya oo ku filan, horeba dawladdu may yaraysan ee nimankaa way qabqabanaysay.

Hase ahaatee, aafo sidaa inoo wada damaqda markeliya oo dareenkeenna jeedisa waa tii u horraysay, inkastoo dhallinyaradu intaa tahriibaysay. Wixii tamar ah waxba idiinla hadhimayno ee dhallinyarow u sabra dalkiinna, suga qarankiinna iyo dheeftiisa, dadkii dalkan ka talinayey berri baad tihiin,” ayuu yidhi Wasiir Diiriye oo hadal ka jeediyey xaflad kooxo dhallinyaro ah baroor-diiq ugu sameeyeen magaalada Hargeysa shalay da’yartii leeday doonnidii ku degtay badda u dhexaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Comments

comments