Dawladda Somaliland ayaa shaacisay in ay qorsheynayso heshiisyo lamid ah kii ay dhawaan somaliland iyo Itoobiya wada saxeexdeen ee dhinaca istimaalka dekeda Berbera rejaynaynaan in ay la galaan waddamo kale oo ka tirsan bariga qaarada Afrika.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa dhawaan sheegay in uu rejaynayo in dekedda ugu ballaadhan Somaliland ee Berbera ay xukuumaddu doonayso in ay ka dhigto mid caalami ah oo ay ku soo xidhmaan waddamo ay Koonfurta Suudaan ka mid tahay, taasoo ay istaraatiijiyad ahaan u dejinaynaan in ay u fududeeyaan sidii ay wax ugala soo degi lahaayeen isla markaana wax uga dhooofin lahaayeen. Wasiir Sacad Cali Shire oodhawaan waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya bixiyey waxaa kale oo uu sheegay mawqifka ay dawladda uu ka tirsan yahay ee Somaliland ka taagan tahay daandaansiga ay Soomaaliya ku sheeganayso Somaliland maamul ahaan, isaga oo ka digay cidhib xumada ka dhalan karta hadallada aan munaasibaka ahayn ee ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku andacooonayso in ay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, kuwaas oo uu hoosta ka xariiqay in ay dhaawacayaan jewigii ay wada hadallada labada dal ku furmeen.
Wasiir Sacad waxaa sidoo kale uu ka war bixiyey faa’iidooyin la taaban karo oo uu huwanaa heshiiskii dhawaaan Somaliland iyo Itoobiya qalinka ku duugeen oo daba socday mid sanadkii 2004-tii la saxeexay, hase yeeshee uu kani ka sal ballaadhan yahay nuxur ahaan. Waraysigan uu Wasiir Sacad bixiiyey dhawaan oo uu la yeeshey Wariye Xasan Maal Dhidar oo ka hawl gala telefishanka Afka Soomaaliga ku baxa ee Somali Channel, waxaa ugu horeyn uu kaga hadlay waxyaabaha ugu mudan ee uu is leeyahay waa ay kuu qabsoomeen muddadii koobnayd ee uu xilka wasaaradda khaarijiga hayay oo ku qiyaasan shan bilood, waxaana uu yidhi “Anigu waxaan xilka wasaaradda arrimaha dibada la wareegay 8-dii Novermber ee 2015-kii, qiyaastii illaa shan bilood baa immika laga joogaa, shantaas bilood waxaan odhan karaa waxaa noo qabsoomay waxyaabo badan, khaasatan laba meeloodba waa ay nooga qabsoomeen, waa ta koowaade waxaanu samaynay dib u habayn wasaaradda gudaheeda ah oo wasiirku waxyaabo badan ma qaban karo haddii aanay wasaaraddu tayaysnayn, shaqadiisuna waxaa ay ku xidhan tahay hadba inta ka dembeysaa sida ay utayaysan tahay. Had iyo jeerna waxaa la odhan jiray wasaaradda arrimaha dibadu waxay ka kooban tahay waa wasiirka oo keliya iyo shandada uu gacan ta ku sito, runtiina taas baan doonaynay inaanu wax weyn kabedelno oo aanuka dhigno dhismaheeda wasaarad shaqaysa” sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ahi Dr. Sacad Cali Shire, oo dhawaan waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey soo saaraha barnaamijka Deymada Telefishanka Somali channel Weriye Xasan Maal Dhidar, kaasi oo xafiiskiisa uu ku siiyey.
Mar uu wasiir Sacad Cali Shire ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu yahay bixinta dal-ku-gallada Itoobiya (Visa) ee ay Safaaradda dalkaasi ku leeyahay somaliland bixiso, oo dhawr jeer hakad ku yimi bixintiisa iyo sababaha keena, waxaa uu Wasiir Sacad sheegay in uu wasiir ahaan dhawr jeer ka hawl galay, isla markaana joogtayntiisa uu xataa kala hadlay wasaairadda khaarijiga dalkaasi, waxaana mar uu Weriye Xasan Maal uga warramay tirada maalintii ay safaaraddu qoondaysay in ay bixiso iyo cida mudnaanta gaarka ah la siiyo waxaa uu yidhi “anigu waxaan kala hadlay arrintaa bixinta fiiseyaasha wasiiru dawlaha arrimaha dibada ee dalka Itoobiya, mar aanu is aragnay wasiiru dawlaha qoddobadii aanu ka wada hadalnaynay ayuu arrinkaasi kamid ahaa, halkan [Somaliland] lafteeda safiirka u jooga wadanka federaalka ee Itoobiya dhawr jeer baanu arrinkaa iska aragnay. Runtii marbaa jirtay aad loo yareeyey bixinta fiisaha sababo dhawr ah aawadood oo u badnaa farsamo sida ay iyagu yidhaahdeen. Immikana fiisooyinka la bixin jiray sidii hore maaha oo maalintii waxaa la bixiyaa immika ilaa labaatan fiise, mudnaantana waxaa la siiyaa dadka caafimaadka u socda iyo dadka ballamaha ku leh safaaradaha, imika markaas sidii hore maaha hase yeeshee waanu jecelnahay in ay ka sii wanaagsanaato, waxaananu dawladda Itoobiya ka codsanay, kana codsanaynaa immika inay arrinkaa fududeeyaan” ayuu yidhi Wasiir Sacad. Geesta kale waxaa uu faahfaahiyey faa’iidooyin dhaqan-dhaqaalle oo uu sheegay in ay ku jiraan heshiis wada jir ay Somaliland iyo dalka Itoobiya u saxeexeen, kaasi oo la xidhiidha horumarinta arrimaha ganacsiga, gaar ahaanna adeegsiga ay dawladaasi adeegsan doonto dekeda caalamiga ah ee Berbera, waxaana Wasiir Sacad isaga oo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi; “horta runtii heshiiskaaf faaiidooyin badan baa ku jira marka somaliland ay tahay, sidoo kalena Itoobiya Faaiidooyin badan baa ugu jira, runtiina haddii aanay labadeenaba faaiidooyin inoogu jirin maynaan saxeexneen.
Waxaana heshiiskani daba socdaa mid lagalay 2004-tii laakiin kani wuu ka ballaadhan yahay. Somaliland ahaanna faa’iidada ugu weyn ee innaga soogalaysaana waa dhaqaalle oo markaynu u adeegno maraakiibta Itoobiya u sida alaabta waxaa aynu ka qaadaynaa kharash, waxaa imanaysa oo kale shaqo abuur laga helo. Immika sida laga warqabo dekeda Jabuuti ayay dawladda Itoobiya kala soo degtaa inta badan waxa uga yimaada debeda, kaasna jabuuti dhaqaalle badan baa ka soo gala, sidaas oo kale ayaanu annaguna rejaynaynaa in uu dhaqaalle badan abuuro oo kobciyay dhaqaalaheena. Waxaana aanu rejeynaynaa in aanaan Itoobiya oo keliya kuba ekaanin xitaa illaa kooonfurta Suudaan in [dekedda Berbera] ay wax uga soo degaan, waxna uga dhoofaan ooay dekedeenu noqoto mid caalami ah” ayuu yidhi Wasiirka khaarijigu. Gebogabadii waraysigaasna waxaa uu Wasiirku ka hadlay su’aal weriyuhu ka weydiiyey qoddobo dhawaan laga soo saaray shir maamullada Soomaaliya ugu soo gebogeboobay magaallada Muqdisho, kaasi oo loogu wanqalay shirka madasha wada tashiga maamullada Soomaaliya, qoddobkaas oo saamaynayay qarannimada Somaliland iyo qaabka suurogal ka dhigi kara in doorashoo loo dhan yahay oo Soomaaliya laga qabtaa ka dhacdo Somaliland. Wasiir sacad waxaa mar uu ka jawaabayay su’aashaas uu yidhi “ horta [in layidhaahdo] Somaliland kamay soo qayb galin shirka Soomaaliya iyo Madax-dhaqameedyo ayaanu xulaynaa laba is qabanaya maaha waayo haddii ay iyaguba qirayaan in aanay Somaliland kasoo qayb galin, dee Somaliland kama mid aha kuwa loo qabtay shirka, dabcanna innagu marnaba kamaynu qayb ahayn geedi socodka dhismaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya immikana qayb kama nihin, laba jid oo kala duwan iyo laba heer oo kala duwan baynu maraynaa. Run ahaanna sheegashada aan xaqaa’iqa ku salaysnayn ee ay had iyo jeer inna sheegtaan baanu uga digaynaa, kaasi oo runtii ka hor imanaya jewigii wada hadallada labada dal u socday. Innaga iyo Somaaliya wixii innaga dhexeeya madal baynu u furnay aynu ku wada hadalno, laakiin waxaanu faraynaa in ay joojiyaan sheegashada aan xaqaa’iqa ku dhisnayn waayo taasi caawin mayso cilaaqaadka iyo ka heshiinta waxyaabaha innaga dhexeeya”.