Madaxwayne OBAMA muxuu kaga jawaabay Su’aal laga waydiiyey in badaha Somaliya lagu daadiyo Sun?

Date:

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo shalay magaalada London kulan kula yeeshay dhalinyarada ayaa su´aalo laga weydiiyey  waxaa ka mid ahayd  waxyaabaha uu ka ogyahay ama uu ka qaban karo suntan la sheegay in lagu daadiyo xeebaha Somaliya.

Madaxwayne Obama waxaa Su’aasha waydiiyay Wiil soomaali ah oo  ka mid ahaa dhalinyartii uu madaxwaynuhu la kulmay, waxaana uu wiilkaasi weydiiyey waxyaabaha uu ka ogyahay sunta lagu daadiyo xeebaha Somaliya iyo waxa uu ka qaban karo hadii ay jirto.

“Lixda bilood ee xafiiska kaaga hadh ay maxaa ka qaban kartaa arrintan, mase u raadin kartaa in arrintan Beesha Caalamka ay wax ka tidhaahdo”  ayuu weydiiyey wiilkaasi Soomaaliga ah oo fursadaasi uga faa´iideystay inuu wax ka weydiiyo hogaamiyaha reer Galbeedka arrintan oo aan si weyn loo baadhin.

 

Barack Obama ayaa sheegay inuu la socda dhibaatooyinka ka jira Somaliya oo ay beesha caalamka iyo dawlada Maraykanku ka shaqeynayaan sidii loosoo celin lahaa amaanta dalka balse waxaa uu sheegay inaanu ka warhayn su’aasha uu wiilku weydiiyey ee ahayd in biyaha Somalia sun lagu daadiyo.

Obama waxaa uu sheegay inaanay ceeb ahayn inuu hogaamiye yidhaahdo waxba kama ogi sida arintan oo kale isagoo sheegay in baadhitaan loo baahanyahay si loo ogaado in sun lagu shub biyaha Somaliya.

Dawlada Somaliya ayaan  marna madaxwaynaha Maraykanka iyo dawladaha kale ee ka taageera dhinacyada amni ga iyo la dagaalanka Budhcad badeedka kala hadal suntan lagu daadiyo badaha Somaliya oo ay ku suganyihiin ciidamada NATO oo ilaaliya budhcad badeedka Somalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...