Somaliland: Xildhibaan Jirde Oo Ka Dayriyey Nidaamka Dalku Ku Socdo, Shuruucda Lagu Tuntay, Musuqmaasuqa Xukuumadda Kulmiye Iyo Goobaha Waddani Looga Fadhiyo In Uu Is Badal Ku Sameeyo

Date:

“KULMIYE Loogama Fadhiyo In Uu Is Badal Keeno Waayo Dambiga Maanta Yaalla Isaga Ayaa Keenay. Nin Dawee La Leeyahay Xalka Doon La Leeyahay, Dambi Uu Badh Leeyahay..” ………Xil. C/Q/Jirde

“Xafiisyada Baaba’ay Ee U Baahan In Dalka Loo Dhiso Waxa
Ka Mid Ah: Bangiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, Hanti-Dhawrka, Hay’adda Shaqaalaha Iyo Guddida Qandaraasyada”………. Xildh. Cabdiqaadir Jirde

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Xildhibaanada Ruug Caddaaha ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa hannaan cilmiyaysan waxa uu u tiriyey qodob qodobna isu dul taagan gabood fallada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka samaysay Dawlad Wanaagga iyo Ilaalinta Hantida Qaranka isaga oo xukuumadda KULMIYE ku dhaliilay Musuqmaasuq baahsan oo xadhkaha goostay, qaabka shaqaalaha dawladda loo qaato oo uu ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin isaga oo dhinaca kale sheegay in Hay’adihii dawladda ee ay ka mid ahaayeen Baanka Dhexe, Guddida qandaraasyada qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhawrkii noqdeen kuwo aan haba yaraatee wixii loo igmaday aan marnaba ka shaqayn.
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo dhawaan ka hadlayay xaflad xisbiga WADDANI lahaa ayaa sheegay in nidaamka maanta inoo taagani yahay mid cildo ka fadhiya dawlad wanaag iyo habkii dalkani kaga bixi lahaa saboolnimada isaga oo ku eedeeyey in ay guud ahaan ku guul darraysatay xukuumaddu hirgalinta qawaaniin lagu shaqeeyo oo dalka kala hagta halka uu Baanka Dhexe ku tilmaamay mid ay shaqadiisii cid kale qaadatay.
Xildhiban Jirde oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Abwaankii Qaasim Ilaahay Ha U Naxariistee ayaa laga hayaa Geeddiga la lallabay meel fogbaa loo gol leeyahay”, Guryo-Samo Illaa lagu furo ayay gibushu saarnaan. Meel fog baynu u soconaa. Xisbi Xisbu baddalay wax ka weyn baynu doonaynaa. Xisbi dal baddalay ayaynu doonaynaa, waxaan doonaynaa in aan Nidaam (System) baddalno. Nidaamku laba qaybood ayuu ka kooban yahay: Midi waa qaab-dhismeed oo waa (Structure), midna waa Agency oo waa dadkii dhaqaajin lahaa Qaab-dhismeedkaa. Qaab-dhismeedku waxa uu ka sii kooban yahay qawaaniin iyo Xeerar sharci waa in ay kuwaasi kuu toosaan marka hore oo ay kuu hagaagsan yihiin kuuna dhisan yihiin. waxa ka mid ah Shuruucda Dhaqaalaha (Financial Regulations) maanta waad og tihiin oo markii Miisaaniyadda naloo keenay waxa ku jiray Soddon iyo Lix Bilyan oo la yidhi hantida qaranka ee la iibin doono ayay ka soo bixi doontaa. Qaabka hantidaa loo marayo ee loo iibinayaa ma cadda. Qawaaniin kuma cadda. Qandaraasyada dawladdu qaabka uu u socdo cidi ma taqaano. Shaqaalaha dawladda sida loo soo qoro waad argagaxaysaa. Waxaanu u yeedhanay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaanu noo sheegay 368-qof oo (Grade A) ah oo aan imtixaan laga qaadin oo toos loo qoray oo (Garde A) laga dhigay. Meel la soo mariyey, imtixaan laga qaaday iyo wax la waydiiyey midna ma jirto. Waxa uu yidhi wax alla wax aan sameeyo ma aqaan. Ma dareerin karo, maxay qasabtay in la yidhaa dib halloo imtixaamo. Qawaaniintii dalka u taallay oo dhan baa laga leexday. Musuqmaasuqu meel aad iyo aad u fog ayuu gaadhay. Waxaa maxaa xakameeya? Waa marka qawaaniintu shaqayso”.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu mid mid isu dul taagay goobaha laga rabo in xisbiga WADDANI wax ka badalo haddiiba uu talada dalka ku guulaysto waxa uu yidhi: “Meelaha la rabo in is baddal lagu sameeyo waxa ka mid ah:
-Guddida Qandaraasyada Qaranka
– Bangiga Dhexe. Bangiga dhexe maanta shaqadiisii waa laga qaaday. In aad doodahayagii miisaaniyadda dhagaysanayseen iyo in kale mooyi. Baanka Dhexe shaqadiisii dad kale ayaa haya. Xilkiisii waa lala wareegay. Ma madax bannaana.
– Xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa iyana u baahan oo la rabaa in is baddal lagu sameeyo. Waakaa aan idiin soo sheegay ee aad arkayseen in dhawr boqol oo qof oo shaqaale ah oo aan meelna la soo marin oo aan imtixaan lag soo qaadin aad arkayseen.
– Hanti-dhawrka Guud ayaa ka mid ah meelaha u baahan in is badal lagu sameeyo.
– Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa isna ka mid ah meelaha u baahan in wax laga badalo. Dimuquraadiyadduna kama soo hadho wax la wada arkayo in lagu dhaqmo. Wixii umaddani wada leedahay oo loo ilaaliyey oo wax loogu qabtay ayaa dal lagu maamulaa marka la sheeganayo dimuquraadiyad.
Haddii aan musuqmaasuqa la xakamayn shilin ka yar ee soo gala iyo mucaawimada yar ee la helayaa waxba tari maayo. Waxaa looga baahan yahay WADDANI in aan samayno dawlad qawaaniin ku dhaqanta oo dadkan iyo dalkan badasha. Annagu haddii aanu WADDANI nahay ma qabno in KULMIYE saxo qaladaadkiisaasi. “Nin Dawee La Leeyahay, Dambi Uu Badh Leeyahay, Xalka Doon La Leeyahay, Inuu Daaro Ma Ogola Daaraanta Mililka Leh”.
Dhammaan arrimahaas aan ka soo hadlay waa hawl WADDANI sugaysa. Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaan leenahay waxaan kaa rabnaa dawlad musuqmaasuqu eber ka yahay” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xildhibaan Jirde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...