Somaliland: Wasiirul Dawlaha Shaqadda Oo Tahriibka Dhalinyarrada Ku Eedeeyay Waalidiinta

Date:

Wasiirul dawlaha  wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshadda Somaliland, Cabdi Daahir Cammuud ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Silaanyo  ay shaqo abuur u samaysay dhalinyarrada, isla markaana ay saddex laabtay tirada  shaqaalaha dawladda.

Wasiir Camuud oo shalay ka qeyb-galay doodii barnaamijka Jimcaha ee  idaacada BBC  oo lagaga hadlayay  dhibaatadda  Tahriibka.    Waxaanu  ku dooday  in shaqaalaha  dawladda  tiradoodu ahayd markii  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  la wareegtay   tallada dalka 6000 kun oo shaqaale ah, halka ay wakhti  xaadirkanna shaqaalaha dawladda la gaadh siiyay ugu yaraan  19000 kun oo  qof.

“Somaliland waa dal degan oo isku tashaday shaqo abuurna waa la sameeyay,  dawladanina waxay  shaqaalaha dawlada ugu timid 6000 oo shaqaale ah,  imakana waxay  marayaan 19000 oo qof.sidaasna  waxa loo sameeyay   waa shaqo abuur ay samaysay  xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo). waxa kale oo ay samaysay sharcigii ayay u furtay dhalinyarrada  si ay uga qeyb-galaan siyaasadda  oo golaha degaamada ayay ka soo baxeen oo wasiirradii ayay ka mid noqdeen,’’ayuu yidhi Wasiirul dawlaha shaqaddu.

Mr.  waxa uu xusay in dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya  ay iska kaashadeen la dagaalanka  tahriibka, iyadoo   dhalinyarrada tahriibaysaa ay u wareegeen dalka Masar oo ay ka tahriibaan.  “Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya waanu  kala kaashanay joojinta tahriibka wax faro badana waa laga qabtay markii   ay  u suurta gali wayday in dhalinyarrada tahriibaysaa  ay maraan dhinaca  Itoobiya  ayay  xaga Masar u wareegeen, markaa wax fara badan oo laga qabtay wuu jiraa tahriibka,” ayuu  yidhi  Wasiirku.

Dhinaca kale, Wasiirul dawlaha wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshaddu  waxa uu waalidiinta ku canaantay inay kaalin shariif ah ku leeyihiin tahriibinta dhalinyarrada, waxaanu yidhi  “Waalidiintu  qeyb ayay ka yihiin dhalinyarrada tahriibaysa lacagta cidda u dirtaana waa waalidiinta waxaan  leeyahay dadka waalidiinta ah dalkiina aamina iyadoo shaqo la’aani jirto oo dagaalo jireen ayaa hore  loogu noolaan jiray dalka. Waxaana waalidka leeyahay caruurtiina ceshada  dalkani isagoo sidan ka xun ayaa lagu noolaa  aamina  ayaan leeyahay waalidka iyo caruurtaba.”

Wasiirul dawluhu waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay fikirka ah in xukuumaddu ay xilalka dawladda u dhiibto qurbo-jooga, waxaanu kaga jawaabay “Qurbo  joogta ayay noqotay ee la leeyahay xilal ayaa loo magacaabay way jirtaa laakiin dastuurka dawladuhu leeyihiin mid ba wax buu qorayaa. waana loo siman yahy shaqada iyo xilalka ku dibada jooga iyo mid gudaha joogaba haddii kii dibada joogay la magacaabo ka gudaha joogana bari ayaa la magacaabi doonaa.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...