warar hada soo gaadhaya shabakada Ilaysnews ayaa waxaa ay sheegayan in wafti culus oo ka socda xukuumada ay ku baxeeen banka Qool-Cadey oo mar dhaweyd dagaal ku dhex maray ciidamada booliska iyo maleeshiyaadka rer miiga ah .
Waftigan deegankaas ku baxay ayaa waxaa hogaaminaya wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iiman oo wata guutooyin ka tirsan ciidamda RRu da iyo SPU oo ka tirsan ciidamda Booliska.
wakhti yar ka hor ayey aheyd markii maleeshiyaad dadka rer miiga ahi ee deegankaas degani ay dhexda u galeen wasiirka xanaanada xoolaha iyo suldaanka guud ee beelasha Somaliland oo halkaasi geynaayey Riig Biyoood .
Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii udambeeyay waday mashruuc ay ku xidhayso banka qoolcaday,waxaana mashruucan ka hadlay todobaadkii udambeeyay qaar kamida siyaasiyiinta ka soo jeeda deenka qoolcaday.