Dagaal aan waxba la iskula hadhin ayaa Galinkii hore ee Saaka dhex maray Ciidamo ka tirsan Bilayska Somaliland oo uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanad Xoolaha Iyo Dadka Degan Banka Qoolcaday,waxaana laga soo sheegayaa Khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh.
Illo wareedyo soo gaadhay Shabakada Baarcadeeye ayaa sheegaya in Dagaalku uu bilaamay kadib markii Saaka ay Xukuumaddu Bankaasi oo muran ka taagnaa ay gaysay Ciidamo Bilaysa ah Kuwaasi oo isku dayay inay Xoog ku raraan Dadka xoolo dhaqatada ah ee Bankaasi degan,balse dad Hubaysan oo markii horeba loo sii diyaariyay ayaa rasaas ooda kaga qaaday Ciidanka iyo Madaxdii la socatay. Inkasta oo ay adag tahay sida xog dhab ah looga helo Dagaalkaasi maadaama War isgaadhsiisintii laga jaray,Haddana waxa labada Dhinacba laga soo sheegayaa inuu gaadhay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac iskugu jiraa.
Warar kale ayaa sheegaya in Dhimashadu kor dhaafayso illaa Saddex Ruux halka Dhaawacuna Gaadhayo labada dhinacba 6-ruux.Taliyaha Bilayska ayaa goor dhawayd ciidan xoojin ah kala baxay Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale, dad weyne ka gadoodsan Dagaalka Qoolcaday ayaa isku soo baxay Xaafado ka tirsan Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa waxaanay taajiro ku gubeen jidka Weyn ee Airportka Hargeysa taga.
Warkan oo faah faahsan goor Dhaw Fillo.
Somaliland: War Deg Deg Ah: Dagaalk Lagu Dhintay Oo Ka Dhacay Banka Qoolcaday,War Isgaadhsiinta Oo La Jaray Iyo Fadal Oo Ciidan Xoojin Ah Hargeysa Kala Baxay + Mudaharaad Gilgilay Qayb Ka Mid Ah Hargeysa.
Date: