Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Oo Beeniyay In Masuuliyiin Dawlada Ka Tirsan Ay Dalka Turkida U Joogaan Wada Hadalo Ay La Furaan Dawlada Somaliya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah (WADIC) waxa ay maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 21 April 2016 ay u soo saartay War-saxaafadeedkan (Press Release) si ay uga jawaabto war lagu baahiyay saxaafada maxaliga ah (Local Media) qarkood. Warkaasi oo lagu sheegay in Wadahadaladii (Dialogue) u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya ay ka bilaabmeen magaalada Ankara ee dalka Turkey-ga si qarsoodi ah, isla markaasna ugu soo dhamaadeen si qarsoodi ah. Hadaba, waxa aanu shacabka iyo ummadda Somaliland u sheegeynaa in aan warkaasi waxba ka jirin. Sanadkii 2012 Golaha Sharci Dejinta Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida) wax ay awooda u siiyeen una fasaxeen Xukuumada Somaliland in ay wada hadal la furi karto dalka Soomaaliya, isla markaasna waxa arrintaasi taageeray labadii xisbi mucaarid ee waqtigaasi (Udub iyo Ucid). Ma jiraan wax markaasi xukuumada ku kelifaaya in ay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee loo ogolaaday ay ka dhigto wax qarsoodi ah. Laga soo bilaabo 2012 ilaa 2015 waxa la yeeshay toddoba kulan oo cid waliba ogeyd. Haddii, sida lagu wada wada hadaladii dub u furmaana waxa ay noqon doontaa wax la shaaciyo oo cid weliba ogaato, inshallah.

Waxa kale WADIC ay war-saxaafadeedkan ku faah-faahineysaa ujeedada safar shaqo oo laba wefti oo Somaliland ku tageen dalka Turkey-ga bisha 17/04/2016. Weftiga hore waxa hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Xaaji Cali Shire. Waxa kale oo weftiga ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi Cabdi. Weftigani oo martiqaad rasmi ah ka helay dowlada Turkey-ga waxa ay la kulmeen intii ay joogeen Ankara Ku-xigeenka Xoghaye Hoosaadka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Deputy Undersecretary of Ministry of Foreign Affairs), madaxweynaha Bisha Cas (President of Red Crescent), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hey’ada dalka Turkiga u qaabilsan kaalmooyinka ama mucaawimada ee la yidhaahdo TIKA ( Vice president of TIKA). Weftigu waxa ay kale hadleen mas’uuliyiintii ay la kulmeen arrimo ay ka mid ahaayeen kaalmooyinka bini-aadanimo, sidii ay gurmad deg-deg aha uga geysan lahayd dowladda Turkey xaalada abaareed ee ka jirta gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland qaarkood.

Waxa kale oo dowlada Turkey kala tashatay weftiga Somaliland iyo Wefti kale oo ka socday Soomaaliya oo u hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudahu Mudane Cabdiraxmaan Maxamed sida ugu haboon ee dub loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya, goorta ugu horeysa ee ay suurtogal noqon karto in la bilaabo, iyo qodobada uu ka koobnaan karo Ajandaha (Agenda) Shirka soo socda.
Weftiga kale ee tagay dalka Turkey 17/04/2016 waxa uu ahaa wefti ka kooban lix aqoon yahan (Academicians). Seddex ka socday Somaliland, iyo seddex kale oo ka socday dhinaca Soomaaliya. Aqoonyahanada waxa loo qabtay Dood (Round-table discussion) ay martigelisay Xarunta Daraasaadka Siyaadaha Dibadda iyo Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda (The Center for Foreign Policy and Peace Research of Ihsan Democracy Peace Foundation). Doodan waxa ujeedadeeda ugu weyn ee laga lahaa ahayd in dowlada Turkey si fiican loo fahamsiiyo Taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya isla markaasna lagu sameeyo qiimeyn taariikheed (Historical Assessment).

Ka Qeyb galayaasha Somaliland oo ay soo xushay WADIC:

1. Dr. Hussein Abdilahi Bulhan
2. Mr.Mohamoud Abdi Hamud (Nine)
3. Mr Hassan Musa Khalief (from UK)

Dhinaca Somalia :

1. Dr. Mohamed Ahmed Sheikh Ali
2. Dr. Hussein Ahmed Warsame (from Canada)
3. Yusuf Garaad Omar (from UK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...