Magacyada Siyaasiyiin La Sheegay Inay Quudaraynayaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad iyo Saddexaad ee KULMIYE
Go’aan dhowaan ka soo baxay xafiiska xisbiga KULMIYE ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay lumiyeen xilkii iyo xubinimadii xisbiga, ka dib markii ay jabiyeen xeerka xisbiga, balse labadan Masuul ayaa si badheedh ah arrintaasi u diiday waxaana ay sheegeen inaanu Guddoomiyaha KULMIYE awood u lahay inuu xilka ka xayuubiyo.
Mudadaas wixii ka dambeeyey ayaa la sheegay inay jiraan tuhuno la xidhiidha damac siyaasadeed oo qaar ka mid ah xubnaha xisbigu ugu hanqal taageeyeen inay bedelaan labadan xubnood oo miisaan culus ku lahaa xisbiga dhexdiisa.
Siyaasiga Axmed Dheere oo ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga ayaa ay wararka qaarkood sheegayaan inuu ka mid yahay xubnaha quudaraynaya inuu buuxiyo booska Xildhibaan Waabeeyo oo ahaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee KULMIYE oo aad moodo inuu haatan ka sii jeedo xisbiga inkastoo aanay isaga iyo asxaabtiisu isbina ku biirin.
Sidoo kale jagada guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee xsibiga KULMIYE ayaa ka mid ah mansabyada la filayo in sida wayn loogu dagaalamo, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay jiraan xubno uu guddoomiyaha KULMIYE kala shaqaynayo inay jogaanyinkan buuxiyaan.