Somaliland: Arday Iyo Waalidin Eedaymo Kulul Usoo Jeediyay Maamulka Jaamacada Hargeysa Kuna Tilmaamay Inay Jaamacadu Isku Badashya Meherad Ganacsi

Date:

Waalidiinta ay caruurtoodu wax ka barto  Jaamacadda Hargeysa iyo sidoo kale ardayda dhigata Jaamacadaasi ayaa cabasho xoogan ka muujiyay nidaamyo cusub oo uu ardayda ku soo rogay maamulka Jaamacadda iyo hoos u dhac  ay sheegeen inuu ku yimid tayadda waxbarasho ee Jaamacadaasi.

Waxaanay  ka dayriyeen  waalidiinta dhalay caruurta dhigata Jaamacadda Hargeysa qorsheyaal   mudooyinkan dambe maamulka Jaamacadu ku soo rogay ardayda, tallaabooyinkaasi oo ay  sheegeen in ay culays  ku noqdeen hanaanka waxbarasho ee caruurtoodda. Iyadoo hab-dhaqanadaasi  ay  waalidiinta ku khasbeen  inay caruurtooda ka saaraan Jaamacadda Hargaysa, una bedelaan jaamacadaha kale.

Qaar ka mid ah waalidiintaasi oo la hadlay warbaahinta,  ayaa noo xaqiijiyay in  dhibaatooyinka ay kala kulmeen  maamulka Jaamacadda Hargeysa in ay ka mid yihiin in  haddii ardayga ay ka habsaanto lacagta Fee-ga  oo simisterkiiba mar la wada shubo in ardaygu uu bixinayo $30, lacagtaasi  oo lagu sheegay  ganaax, isla markaana   uu ardaygu  soo raacinayo lacagta simister-ka.  Haddii  kale Jaamacadda laga saarayo.

Lacagtaasi  $30 ah  ee  maamulka jaamacadda Hargaysa  ugu magac bixiyay  ganaax   oo waalidiintu   ay sheegeen inay aanay awoodin, halka ardayduna ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo aan la aqoon meel ay marto iyo cidda qaadata midnaba.

Mid ka mid ah waalidiinta ay carruurtoodu wax  ka bartaan Jaamacadda Hargeysa oo ka cudur-daartay  in magaciisa la soo xigto, oo u waramay warbaahinta  ayaa noo sheegay in gabadh uu dhalay ay  dhigato Jaamacadda Hargeysa,   isla  markaana ay tiraba  saddex jeer  ku dhacday arrintaasi kadib markii   ay  dib uga dhacday lacagtu  wakhtiga laga bixiyo lacagta simister-ka. Waxaanu tilmaamay   in min $30 oo ganaax ah laga qaaday saddexdaasi jeerba.

Odaygan  ayaa  noo sheegay  in uu shaqaale ka yahay  mid ka mid ah hay’adaha dawladda, isla markaana  ay inta badan dib uga dhacdo  xiliga uu mushaharka qaato wakhtiga ay maamulka Jaamacadu u qabteen in lagu soo bixiyo lacagta Fee-ga. Iyadoo haddii ay shan maalmood oo qudha  ay  dhaafto wakhtiga loo cayimay  in  ardayda u dhigata jaamacadda   lagu  ganaaxo  $30,  taasi oo ku khasabtay odaygan inuu inantiisii  ka  saaro  Jaamacadda Hargeysa   una bedelay  Jaamacadaha  gaarka  loo leeyahay.

Sidoo kale waalidiin badan oo ay dhacdooyin noocan ah kala kulmay jaamacadda Hargaysa, ayaa   ku tilmaamay tallaabadan  in Jaamacaddii qaranku ay isku bedashay il-dhaqaale ama  xarun ganacsi, isla markaana ay  lumisay sumcadii iyo karaamadii ay bulshadu u haysay.  Iyadoo  markii hore  loo arkayay inay tahay Jaamacad qaran oo tayaddeeda tacliimeed ay ka duwan tahay Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.Hase  yeeshee hadda ay  u muuqato  inay sii bur-burayso, nidaamyada foosha xun iyo tayadeed waxbarasho ee sii xumanaysa   awgeed,  taasi oo  jaamacadda ka dhigay sidii  Dukaan ganacsi oo kale.

Jaamacadda Hargeysa oo ah Jaamacadda keliya ee dawladu maamusho dhaqaale ahaan iyo xagga horumrintaba, isla markaana miisaaniyadda dawladda kab iyo kharashaad ugu jiro, loona arko inay tahay Jaamacad qaran, oo ay   ahayd in lagu soo hirto ayaa hadda u muuqata  mid isku bedashay meherad ganacsi.

 

 

Sidoo kale sida  ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamcadda Hargeysa, waxyaabaha  muujinaya hoos u dhaca heerka waxbarasho ee ku yimid  inay ka mid yihiin macalimiin la’aan,  qalabka lagu tuso  ardayda barata culuumta Sayniska   tijaabooyinka oo aan jirin iyo waxyaabo kale.Caqabadan  oo ay sheegeen inay  sumcad darro ku keeneen Jaamacadda, sidaas darteedna ay arday badankoodii  iskaga tageen Jaamacadda halka kuwo kalena ay u bedasheen Jaamacadaha kale.

 

Saxaafada magalaada hargeysa  oo isku deyay in ay eedahan iyo dhaliilahan la isku barkiyay wax ka waydiiyaan maamulka  Jaamacada  ayaanay  u  suurto-gelin, kadib markii ay   waayeen  in ay   xafiisyadooda kula kulmaan hogaanka jaamacadda, halka   marar badan oo aanu telefoonka kula xidhiidhnayna ay naga qaadi waayeen.

Si kastaba ha ahatee, Jaamacadda Hargeysa oo ah Jaamacadda labaad ee ugu da’da weyn Jaamacadaha Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyay waxa  ka jiray   khilaaf ragaadiyay oo muddo soo jiitamay, khilaafkaasi oo u dhaxeeyay hogaanka Jaamacada, hase yeeshee khilaafkaasi ayaa la soo af-jaray bilowgii sannadkan, ka dib markii la bedalay maamulkii sare ee jaamacadda. Maamulka hadda hogaamiya Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa dul-hoganaya dhaliilo  badan, iyadoo    aan la saadaalin Karin sida ay maamulka jaamacadu  iskaga baraxi doonaan   fadeexadaha hadheeyay.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...