Wuxuu Codsigan U Gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland, Waxa Cod loo qaadayaa Isniinta Toddobaadka Dambe
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Golaha Wakiillada ka codsaday in Muddada ay shaqeynayaan loo Cusbooneysiiyo Guddida Ansixinta Axsaabta Qaranka iyo Hay’adda Maamul-Wanaagga.
Qoraal Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada oo Shalay loo Akhriyey Mudaneyaasha Wakiillada, ayuu Madaxweynuhu ku codsaday in Muddo Kordhin loo sameeyo Guddiyada kala ah, Guddida Ansixinta Urururada iyo Axsaabta Qaranka Somaliland iyo Hay’adda Maamul-Wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Mr. Jamaal, ayaa Xildhibaannada Wakiillada u akhriyey Farriinta uu Madaxweynuhu ku codsaday in Muddada loo kordhiyo Labadaa Guddi, waxaanu yidhi, isagoo akhriyaya Codsiga la xidhiidha Guddida Ansixinta Ururrada iyo Xisbiyada Qaranka, “Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Xeer Madaxweyne, Lambar 0517/09/2015, Sumaddiisuna tahay JSL, Xeer 2493612/09/2015, kuna taariikheysan, 2006. 09.2015, Ujeeddadiisuna tahay Cusbooneysiinta Muddada Guddida Diwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo dhan Laba Sannadood oo ka bilaabanta 10/05/2015, sidaa daraadeed, Mudaneyaal sida ku xusan Qodobka 3-aad Farqaddiisa 6-aad ee Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lambar/14/2011, waxaan idinka codsanayaa inaad ka gudataan Waajibaadkiina Dastuuriga ah.”
Codsiga Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku soo beegmaya Afar Maalmood uun ka dib, markii Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen uu Guddidaa u gudbiyey Dacwad ka dhan Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, oo dhawaan sheegay in lagu tartamayo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi. Laakiin Digreetada uu Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada, ayaa caddeynaysa inaan Guddidaasi illaa hadda sharci ahayn oo wakhtigii loogu talo-galay ka dhammaaday tobanka bishii Shannaad ee Sannadkii hore.