“Aniga Iyo Jamaal Wax Noo Dhexeeyaa Ma Jiraan Ee Cali Gurey Ayaa Isku Kaayo Diray, Jamaal-na Xisbiga Gacan-buu Ka Gaystay Laakiin Cali..” Faysal Cali Waraabe
“Waaw Haddii Ay Faysal Iyo Jamaal Is Ogolyihiin Aniguna Labadaba Waanu Is Ogolnahay, Haddii Kalena Kii Gar Leh Ayaan U Hiilin” Cali Gurey
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay mushkilad aan Cali Gurey ahayni aanay ka jirin xisbiga dhexdiisa, isagoo Cali Gurey-na ku tilmaamay shakhsi dira diraale ah oo u kala dab qaaqa isaga iyo Jamaal Cali Xuseen.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay inaanay isaga iyo Cali Gurey isku meeqaam ahayn, isla markaana uu isagu ka hadlo wixii qaranimda ka dhan ah lana socdo siyaasadda caalamka iyo Somaliland, mar uu arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi:
“Cali Gurey oo shalay xisbiga iska soo galay oo aanu magac iska siinay oo facebook-ga ku ciyaaraya maaha inuu yidhaahdo Faysal baa xisbiga baabi’inaya oo Muuse dhisaya, sideen Muuse u dhisi karaa waanu tartamaynaaye, markaa anigu waxaan la ficil tamayaa oon la sharatamaa cadawga Somaliland, siyaasadda aduunka ayaan ka hadlayaa laakiin ciyaal Hargeysa intay ku qayilayaan caytama oo kolba wixii maskaxdooda ku soo dhaca yidhaahda inaan la hadlaa afkayga maaha”
Guddoomiyaha UCID ayaa Cali Gurey ku eedeeyey inuu dab ka dhex shiday isaga murashaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen, waxaana uu sheegay inaanu Cali Gurey hal cod xisbiga u soo kordhinin, balse uu khasaare iyo hadimo u soo hooyey waa sida uu hadalka u dhigaye, Faysal oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“Khilaafna ma jiro, aniga Jamaal wax noo dhexeeyaa ma jiro Jamaal xisbiga gacan buu ka gaystay waxbuu ku darsaday xaqbuu u leeyahay inuu ka doodo, inuu cawdo iyo inuu ordo, laakiin Cali Gurey inuu ka hadlo maaha bal Cali Gurey waxaan khasaare ahayn ee uu xisbiga ku soo daray ha soo sheegto, inta badana Aniga iyo Jamaal isaga ayaa isku kaayo diray oo Jamaal-na afbuu kula hadlaa anigana afbuu igula hadlayaa, hanaga dhex baxo aniga iyo Jamaal”
Geesta kale Guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga Cali Yuusuf Axmed (Cali Gurey) oo hadalkaas ka jawaabay ayaa si kooban u sheegay haddii ay mushkiladdu isaga tahay Faysal iyo Jamaalna is ogol yihiin inay arrintu fududahay, uuna dhexdooda ka bixi doono haddii kalena uu kii gar leh garabka saari doono Cali Gurey oo arrinkaas ka hadlaya ayaa isna waxa uu yidhi:
’’Wow hadii Faysal iyo Jamaal is ogol yihin anigana labadaba waanu is ogol nahaye ha ka baqanina. Hadii aanay is ogolayn waxan u kala raacayaa sida ay u kala gar leeyihiin. Ka laga gardaran yahay ee dulman baan u hiilin ka gardaran ee wax dulmayana waan ka hiilin waana sidii NNKH eh rasuul keenu ina faray(U HIILI WALAALKAA HADII LAGA GARDARAN YAHAY IYO HADUU GARDARAN YAHAYBA). Danta UCIDna waxay ku jirtaa midnimada UCID oo iyaduna ku jirta in danta Xisbiga laga wada horaysiiyo danaha gaarka ah. Taas shakhsiga mar walba ogolaa hadana ogoli aniga yahay’’