Somaliland: Warbixin ku Saabsan Doontii ku Dagtay Badda u Dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, Sida ay wax u Dhaceen iyo Waraysi Dadkii ka Badbaaday

Date:

Waxaa si aada loo hadal hayaa doon degtey isla markaana dad badani ku dhinteen, waxaa la soo dhejiyey sawirada iyo magacyada dad la sheegay inay doontaas ku dhinteen, hase ahaatee waxaa weli la baadi goobayaa macluumaad faahfaahsan oo ku aaddan halka dadkaasi ay raq iyo ruux ku dambeeyeen, waxaan si kooban idiinla wadaagayaa wixii iiga baxay macluumaadka aan akhriyey.
Liibaan Khadar Jaamac oo ku magac-dheer Liibaan Shacni, wuxuu sheegay inuu ku sugan yahay dalka Giriiga, gaar ahaan Jaziiradda Karamala, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dad kooban oo ka badbaaday doonta degtey, sidoo kale waxaa wehelinayey oo la joogay xilliga uu waraysiga bixinayey Mustafe Aadan Xasan.
Sida ay sheegeen Liibaan iyo Mustafe, iyo weliba dhalinyaro kale oo ku sugan Qaahira, waxaa dhacda in dhalinyarada guryo ama goobo gaar ah lagu xereeyo marka loo diyaarinayo inay tahriibaan, si loogu sii diyaariyo safarka, waxaa dhacda in laashash yar yar lagu qaado si loogu geeyo laash weyn oo badda jooga, laashkaas weyn ayaa haddana sii qaada oo u geeya doon badda taagan oo masaafo ahaan aad uga durugsan xeebta Masar.
Dhalinyaradan tahriibaysay jid kaas la mid ah ayaa la mariyey, waxay ka baxeen Alexandria oo Masar ka tirsan, Liibaan Shacni wuxuu sheegay inuu ahaa kooxdii ugu dambaysay ee loo geeyey doonta taagan badweynta, markii ay doontii u yimaadeen ee dadkii intii hadhsanayd ay fuuleen ama u baxeen, ayaa masiibo weyni dhacday. Liibaan iyo Mustafe waxay sheegeen in xilliga masiibadani ay dhacaysay ay ku qiyaasayaan 07 April 2016 ama Habeen Khamiisa oo Jimce soo gelayey. xilliguna waa 2:00 habeenimo, waxay labadan dhalinyaro ahi sheegeen inay markaas iyagu ku badbaadeen laashkii weynaa ee ay saarnaayeen, oo nafi bidday inay hore u socdaan, iyaga oo toddoba illaa sagaal maalmood wakhti ku siman badda dul sabbaynaya, ayay leeyihiin waxaan na helay markab laga leeyahay dalka Philippine kaas oo na geeyey Karamala oo ah goobta ay ku sugan yihiin.
Xogtaas ay bixiyeen Liibaan iyo Mustafe ama dhalinyara la midka ah ee doontaas ka badbaadday ka sokow, illaa haatan dawladuhu way ka gaabsanayaan inay xaqiijiyaan. Waxaana xilligan socda olole xooggan oo lagu raadinayo warkan ka qarsoon indhaha caalamka, gaar ahaan in la helo meydadka dadkaas dhintay, ama xog kale oo dheeri ah oo daaha ka rogi karta arrintan.
Haddii aad jeceshahay inaad waraysiga dhalinyaradan ka bogato halkan ka dhegeyso: http://www.voasomali.com/content/ar…
Wasaaradda Arrimaha Debedda Talyaaniga ayaa sheegtay inay xogta warkan raadinayso. Masuuliyiinta Soomaalida Laftoodu way ka hadleen, iyaga oo xogta ay bixiyeen ay isugu jirtay Tacsi Murugo xambaarsan, iyo inay muujiyeen in arrintani dhacday.
Dhalinyarada ku sugan Masar, marka aad la sheekaysanayso, waxay kuu tirinayaan magacyada dhalinyarada doontaas raacday, xilliga ay baxday, iyo inta ay sii maqan tahay, sidoo kale waxay qaarkood ii sheegeen inay dhici karto doon kale oo iyana badda ku sii jirta oo la filayo inay Talyaaniga ka soo hadasho maalinimada Arbacada, laakiin hal qof ayaa warkaas ii sheegay, cid kale kama xaqiijinin.
Guntii iyo Gebagebadii, waxaynu isha ku haynaynaa maalmaha soo socda xogaha ka soo baxa baadhitaannada ay wadaan dawladaha reer Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah.
Dhalinyarada ku sugan dalka Masar waxaa la gudboon haddii ay u suurogelayso inay mideeyaan liisaska magacyada dadka maqan isla markaana ay u gudbiyaan hay’adaha qaabilsan muhaajiriinta iyo ururada xuquuqda aadanaha, si loo helo caddaymo horseeda baadhitaan buuxa. dhinaca kale dhalinyarada badbaaday laftooda waxaa looga baahan yahay inay la hadlaan warbaahinta dalalka ay joogaan, iyo laamaha ammaanka ee arrimahooda gacanta ku haya ama hay’adaha samafalka, ugana sheekeeyaan wixii xog ah ee ay hayaan.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...