Guddida Guud iyo odayaasha dega koonfurta magaalada hargeysa iyo degmada salaxlay oo ay Weheliyaan Madax Dhaqameedku ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Baane Ee Magaalada Hargaysa .
Shirkan Jaraa’id oo ay ku sugnaayeen Gudoomiyaha Guddida koonfurta hargeysa Mudane Xasan Yuusuf Ismaaciil , Afhayeenka Guddidaasi Maxamed Axmed Mixile , Caaqil Aabi , Caaqil Maxamed Weerar , Oday Daarood ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Daadifeen lahaa Shir Jaraa’id ay hore u qabteen Dhalinyaro ku abtirsata Beeshan oo Xaal Siisay Wasiir Warancade .
Ugu horeen waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida mudan Yuusuf Ismaaciil Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay
“ Annagoo Ah Guddidi Abokor Muuse iyo Odayaashi waxaanu ka hadlaynaa oo aanu ka jawaabaynaa , Bishan LIx Iyo Tobankeedi Shir Halkan lagu qabtay oo qolo dhalinyaro ahi ka hadleen , Shirkaasi oo dadkii qoonsaday aanu ka ralli galinayno , Annaguna aanu leenahay afkay ku hadleen Muu ahayn Reerka , Waxaanu leenahay cidda afka reerka ku hadli karaa waxaa weeyaan , Odayaal Dhaqameedka iyo Guddida loo igmaday , Ciddii kale ee ku hadashaa waa Cid iska Hadashay ..”
Afhayeenka Guddida shirkan jaraa’id qabatay mudane Maxamed Axmed Mixile ayaa isna Halkaasi ka Akhriyay War-murtiyeed ka soo baxay Guddida Guud Ee Beeshaasi Oo U Dhignaa sidan :
War Murtiyeed:-
Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse waxay u igman tahay ku hadalka iyo matalida beelaha Abokor dhinacyada Siyaasada iyo Horumarka. Waxaa kale gudiddu u xilsaaran tahay go,aan ka gaadhida wax kasta oo Beesha la soo gudboonaada, isla markaana waa awooda kaliya ee ku hadli karta magaca Beesha, sida lagu go’aamiyey shirkii Talowadaag ee ka dhacay degmada Sallaxley 27–28 bishii August 2015.
Haddaba, Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse, waxay halkan ka caddaynayaan in xubno ka mid ahaa Beesha oo Sabtidii April 16th, 2016 warbaahinta qaarkood tebisay shirjaraa’id oo ay qabteen, kagana hadlayeen muran ka dhashay Xawaalka Warancadde aanay go’aankaas iyo hadalkaas midna ku metelin beeshayada.
Waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa in magaca iyo afka Beesha ay ku hadli karaan oo keliya Guddida Guud iyo xubnaha hoggaan dhaqameedka oo ka kooban Cuqaasha iyo Salaadiinta.
Anagga Beel ahaan, door aan qaboojin ahayni noogama banaana muranka la sheegay inuu ka soo cusboonaaday xawaalka Warancadde, gar aan guurti lagaga dhigina garsoore lagama noqdo.
Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa walaaladayada beelaha Ciidagale, walaaladayada beesha Isaxaaq, maamulka degmada Sallaxley iyo xukuumadda dhexe ee Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, in xal nabad ah oo walaaltinimo lagu dhameeyo wixii khilaaf ka jira goobtaas, iyadoo aanu ognahay in marar horeba xal wadajir ah laga gaadhay.
Wa billaahi Tawfiiq
Guddoomiyaha Guddida Abokor Muuse ee Talowadaag
Xassan Yuusuf Ismaaciil,
Gabogabadii Shirka Jaraa’id waxaa Soo Gunaanaday Kalmadana halkasi ka Yidhi Caaqil Maxamed Weerar , Caaqil Aabi Iyo Oday Daarood oo Dhamaantood si isku mid ah u Daadifeeyay Shirka Jaraa’id ee hore loo qabtay Ee lagu sheegay in lagu xaal Marinayo.