“Markaanu KULMIYE Olalaha Ku Jirnay Waxaanu Odhan Jirnay UDUB Way Tagaysaa Ha Tahriibin Walal, Maantana. ….” Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Togdheer
Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) oo ahaa badhasaabkii hore ee gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ayaa ka hadlay dhallintii reer Somaliland ee halaagmay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar oo ay doontii saarnaayeen ay kula degtay.
Axmed Cumar Xamarji ayaa ugu horayn tacsi tiiraanyo leh u diray, eheladii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen, waxaana uu ilaahay uga beryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, waxaana uu yidhi:
“waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii, ubaxii waddanka ee ku dhintay badda Talyaaniga, xoogii dalka ayay ahaayeen madaxdii berri ayay ahaayeen, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoysaskii ay ka baxeen”.
Xamarji oo Somalilandtoday la soo xidhiidhay ayaa isagoo sii hadlaya waxa uu masuuliyadda musiibadaas dusha uga tuuray xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo uu ka mid ahaan jiray waxaana uu sheegay in la leexiyey barnaamijkii xisbiga, isla markaana ay Tahriibtu ay ka mid ah qodobada ugu horeeyey ee wax laga qaban lahaa, waxaana uu yidhi “eedaasna waxa iska leh xukuumadda, oo markii aan KULMIYE ka tirsanaa aanu ku ololaynay inaanu wax ka qaban doono oo ay noo noqon doonaan qodobka koowaad iyo labaad, hase yeeshee waa laga gaabiyey kaambayn iyo olole ayaa arrintaasi laga leexday, masuuliyadaasina waxay saaran tahay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa, dhallinyaradana waxaanu leenahay ka digtoonaada oo mar dambe ha ku hungoobina insha allahu waddankeena ayaynu wax badan kala soo bixi doonaa oo barwaaqayn doonaa”