Somaliland: “Barigii Hore Qofka Marka Lagu Yidhaahdo Talaabada Aad Qaadaysaa Somaliland Ayay Wax U Dhimaysaa Wuu Ka Joogsan Jiray Laakiin Hadda Qof Waliba Dantiisa Ayuu Wataa” Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe Oo Shacbiga Somaliland Ku Canaantay Midnimo La’aan Iyo Waddaniyad Xumo

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadkay qaabka kaliya ee ay Somaliland ku heli karto Ictiraaf caalami ah, waxaana uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay midnimo muujiyaan oo ay dhexdooda midoobaan haddii kalena aanay cid kale danayn doonin.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale shacab waynaha Somaliland ku canaantay inay waddaniyadii ka luntay oo uu qof waliba dantiisa uun ka fikiro taasina aanay ahayn nidaam ay Somaliland ku sii socon karto loona baahan yahay in xaaladda maanta la marayo laga gudbo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku sugan qaaradda Yurub ayaa isagoo arrinkani ka hadlaya waxa uu yidhi:

“Somaliland maanta halka ay joogto waxay u baahantahay in kor loo qaado, waa in dalkii la mideeyaa, intii aynu dawladda noqonay waxaad moodaa inay dadkii iska niyad jabeen, barigii hore qofka marka aad ku tidhaahdo talaabada aad qaadaysaa Somaliland ayay wax u dhimaysa wuu ka joogsan jiray, hadda arrintaasi way inaga baxday oo ictiraaf doonkii ayaa inaga baxay qof waliba wuu shaqaysanayaa, maxaad maanta cuntaa markaa dadkii in la mideeyo ayaa loo baahan yahay hadaan dalku midaysnayn Somaliland ictiraaf heli mayso”

Comments

comments