Dadwaynaha dan yarta ah eek u dhaqan xaafada state house eemagaalada hargeya roobkii ka da’ay magaalada hargeysa uu ka dumiyay guryahoodii islas markaana aanay haysan meel ay hoy ka dhigtaan waxaana ay sheegeen inaay cid xukumadda ka socota oo xaalada ay ku nool yihiin soo eegtay aanay jirin.
Mar aan u kuur galnay si aan wax uga sooogaano nolosha ay ku nool yihiin dadkaa dan yarta ah eek u dhaqan xaafada state house ayaa waxay nooga warbixiyeen xaaladooda nololeed iyaga oo sidoo kalena sheegay inay biyihii roobabku ay soo galeen guryaha ay dagan yihiin.
Hooyo Caasha Axmed oo kamid ah dadka dan yarta ah ee dagan xaaafadan isla markaana uu gurigeeda roobku dumiyay ayaa waxay nooga warbixisay xaaladeeda, iyada oo dhanka kalena carabka ku dhufatay inay xukumadda Somaliland kaalintii ay ku lahaayeen dadka jilicsan ee danyarta ah, hooyo caasha oo k waramaysa xaaladeeda ayaa waxay tidhi.
“Xaaladayada nololeed way adag tahay oo waad aragtaa,guryahayagii robabkii da’ayay ee labada casho socday ayaa naga dumiyay oo daadkiibaa gurigii noogu soo galay meel aan hada daganay ma jirto,jaarka Ayaan marar la seexdaa xukumadduna way na ilawday oo namay soo eegin waxbana noomay qaban way na ilawday Ayaan u malaynaynaa oo wali cid xukumadda ka socota oo noo timi ma jirto, hooyo waxaan leenahay dadka na dhaama wax noo tara oo na caawiya dadkiinii Ayaan nahaye”Sidaas ayay tidhi mama Caasha
Dhanka kalena Ayeeyo Saynab Maxamed oo iyaduna kamid ah dadka dan yarta ah ee dagan xaaafada ayaa noo sheegtay xaalada ay ku nol yihiin waxaana ay tidhi.
“Meeshan waxa ku nool dad aan saddexda wakhtiba dab saran, qoysaska qaar baa inta joogtaabaa xanuunsan yihiin cid soo eegtay oo wax noo qabatay ma jirto ilaahay ayaa leenahay laakiin xukumaddayada waxaan leenahay dadkii oo jilicsan Ayaan nahaye nasoo gaadha oo gurmad nosoo fidiya oo wax noo qabta”Sidaas ayay tidhi Hooyo Saynab.
Si kasteba ha ahaatee xaafadan state houseka ee magaalada hargeysa ayaa ah xaafad ay ku nool yihiin dad dan yar ah oo aan wax ku filan haysan isla markaana u baahan kaalmo iyo gurmad deg deg ah.