Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda uu safar ugu kicitio dalka mareykanka .
U jeedka safarka uu gudoomiyuhu ku tagaayo dalka mareykanka oo aan xogo badan warbaahintu ka heynin ayaa hadana xogo ay helayso shabakada Wargane waxaa ay sheegayaan in gudoomiyuhu uu kulamo la qaadan doono madax sare oo ka tirsan dawlada mareykanka iyo jaaliyada rer Somaliland ee dalkaasi .
Safarka gudoomiyaha ayaa waxaa ku wehelin doono saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani