Somaliland: U Diyaar Garowga Xuska Maalinta 18-May Oo Si Wayn Looga Dareemayo Gobolada Dalka Somaliland

Date:

Iyada oo ay maalmo kooban inaga xigaan Xuska maalinta 18-may oo ah sanadguuradii 25-Aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa laga daremayaa qaban qaabada xuskaasi dhamaanba gobolada dalka Somaliland.

Magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland ayaa waxa iyada si xooga looga dareemayaa u diyaar garowga xuska maalinta qaaliga ah ee 18-may oo ah malintii lagu dhawaaqay gooni iskutaaga jamhuuriyada Somaliland, waxaana markaad marayso suuqa magaalada hargeysa ay indhahaagu qabanayaan calamaanta jamhuuriyada Somaliland oo waxyaalo kala duwan laga sameeyey isla markaana lagu iibinayo meelaha dharka lagu iibyo iyo baabuurta iyo waliba shacabka qaarkood oo ku libisan astaanta calanka Somaliland.

Dhanka kalena saddexda ciidan qaranka ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay gaar ahaanna Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dembeeyey ku gudo jiray  gaado ka ciyaar ay ka samanaynayeen qaar ka mid ah Garoomadda u dhow dhow xerada ciidanka Booliska isla markaana ay ugu sii diyaar garoobayan xuska 18-May iyaga oo halkaasina kusoo bandhigay dhoolotusyo ay kaga qayb qaadanayaa u dabaal daga sanad guurada 25-Aad ee kasoo wareegtay ku dhawaaqista gooni iskutaaga jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kalena wararka naga soo gaadhayaa magaalooyinka waa wayn ee kala ah Burco, Berbera,Ceerigaabo,Borama ayaa waxay sheegayaan in si wayn looga dareemayo u diyaar garowga xuska 18-May iyada oo sida naloo sheegay meel kaste-na lagu iibinayo astaanta u gaarka jamhuuriyada Somaliland.

Xuskan 18-may ayaa  la filaya inuu noqon doono xus ka duwan sidii hore loogu xusi jiray maalinta 18-may  oo ah maalin kuwada qaaliya bulshada ku dhaqan dalka Somaliland.

6-22

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...