Shacabka Somaliland Oo Shaki Weyn Ka Muujiya Kooxahaasi Iyo Xukuumadihii Inna Soo Maray Oo Aan Xataa Ka Hadal + Eedda Puntland
Wakhti dadka Itoobiyaanka ah ee isku-baddalka ku sameeya agabka caagga ah iyo dharka hunka ah ee gaboobay ay ku soo badanayaan Somaliland ayay maamul-goboleedka waddanka Soomaaliya ee Puntland ee aynu deriska nahay waxa ay dorraad si rasmi ah ugu dhawaaqeen in ay gabi ahaanba deegaamadooda ka mamnuuceen dadka BADDAL BADDAL loo yaqaano oo ah ragga Itooboyaanka ah ee xaafadaha magaalooyinka la wareega Weelka caagga ka samaysan ee dharka ku badasha ee dadku u yaqaanno ‘Baddal Baddal Baddal’ kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay ka buuxaan basaasiin iyo dad aan ujeedooyinkooda la garanayn oo shaki weyni ka muuqdo.
Go’aanka Maamul Goboleedka Puntland ka qaatay kooxaha BADDAL-ka loo yaqaano waxa saxaafadda la wadaagay Wasiirka Amniga Puntland Mudane Cabdi Xirsi Qar-jab waxaanu wasiirkaasi isaga oo arrinkaasi ka hadlaya yidhi sidan: “Nimankaasi Baddal Baddal yidhaa qoraalo ayaannu ka soo saarnay Inkasta oo aannaan wali ku dhawaaqin balse aannu dhawaan si rasmi ah u shaacin doono haddana nomanka BADDAL BADDAL yidhaa ee Itoobiyaanka u badan waxaanu ogaanay in ay u badan yihiin dad basaasiin ah, xataa qaarkood ay u shaqeeyaan ururo argagixiso. Waxaannu leenahay qofkii lagu arko BADDAL BADDAL waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. Qofku waa in uu yeeshaa meherad loogu soo hagaagi karo. Waa in qofku yeeshaa meel uu wax ku gadayo oo laga heli karo. Haddii kale hay’adaha ammaanku way qabanayaan. Waan u sii digaynaa arrinkaasina ma shaqayn doono. Cidda ay khusayso sida dawladaha hoose iyo saldhigayada magaalooyinku waa in ay tallaabo ka qaadaan, waanan kula shaqayn doonaa” ayuu yidhi Cabdi Xirsi Qar-jab, Wasiirka Amniga Puntland.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland shacabkeeda ayaa in badan is waydiiya ragga loo yaqaanno Baddal Baddal ee Itoobiyaanka ah ee xaafadaha dhex meeraysta iyaga oo haweenka dhar duug ah kaga badasha weel caag ah. In badan oo dadka ka mid ah ayaa shaki ka muujisa raggaasi kuwaasi oo dareeno kala duwan laga qaado. Dad qaar ayaa ku eedeeya weelka ay kooxahaasi la wareegaan isticmaalkoodu in uu halis caasimaad leeyahay halka kuwo kalena eedaymo badan oo kale ka sheegaan walise xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland wax tallaabo ah midina kama qaadin xataa kama ay hadal.