Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Inay Albaabada u Xidhayso Jaamacado Buuxin Waayay Mustawaha Tacliinta

Date:

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare  ee Somaliland C/laahi Ibraahim Habaene (c/laahi-dheere), ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan qorshe cusub oo wax lagaga bedelaya tayadda waxbarashadda dalka gaar ahaana jaamacadaha.

Wasiirka oo safar shaqo ku maraya gobolka Togdheer, waxa uu tilmaaamay in waxbarashadda jaamacaduhu ay noqotay mehraddo ganacsi, isla markaanna ay lumiyeen  heerkii tacliimeed ee looga baahnaa jaamacadaha.

C/laahi  Ibraahim Habane,  waxa uu hadalkaasi ka sheegay kulan shalay lagu qabtay magaaladda Burco oo ay si waa jir ah  oo ay dawladda hoose ee Burco  iyo wasaaradda waxbarashadu ku qiimaynayaan barnaamijka maamul daadejinta ee GPLG oo  ay wadaan dawladaha hoose.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay dagaal toos ah kula jiraan jaamacadaha dalka, kuwaasi oo uu sheegay in lagu lug gooyay ardayda wax ka barata iyo waalidiintaba, isla markaana ay wadaan qorshihii ay wasaaraddu wax kaga qabanayso, iyadoo ay doonayaan in ay heshiisyo la soo galaan jaamacaddo ajaanib ah oo qiimeeya tayadda waxbrashadda jaamacadaha dalka.

Isagoo xusay wasiirku in ay al-baabadda u xidhayaan jaamacadaha ay u arkaan in aanay buuxin heerkii aqooneed ee looga baahnaa.  Waxaanu yidhi  “Ardaygii wuxuu ku odhanayaa waxaan soo bartay  business administration oo  haddana  arji ma qori karanayo, arjigana waxaa loo baahan yahay in lagu qoro af-soomaali iyo af-ingiriisi, midnaba ku qori kari maayaan”.

“Dagaal ayaa naga dhex socda jaamacadaha, ama jaamacado ayay noqon ama dukaamo aynu iska xidhno, ilayn uma baahnin dukaamo in ay noqdaane. Sida aanu u xidhaynaana waxay noqonaysaa, laba dagaal ayaanu qaadaynaa, jaamacado ajaanib ah waa in aynu helnaa oo aynu heshiis la galno, si aynu u tayayno tacliinta iyo xirfadda ubadkeenna”ayuu yidhi wasiir C/laahi Dheere.

Dhinaca kale, wasiir C/laahi Dheere waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe kale oo isna lagu tayaynayo waxbarashadda dugsiyadda hoose  iyo dhexe ee dalka, isla markaana ay  qiimayn ku samaynayaan heerka aqooneed ee  macalimiinta wax ka dhiga dugsigadda hoose dhexe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...