Somaliland: Ururka Caalamiga Ah Ee La Socodka Siyaasadda Somaliland Oo Warbixin Ka Soo Saaray Khilaafka Xisbiga UCID.

Date:

Beesha Caalamka Oo Khilaafka UCID Madaxtooyada Ku Xidhiidhisay, Faysal-na Ugu Baaqday Inuu Xisbigiisa Dhiso Ama Albaabka Ka Baxo

Ururka la socodka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland ee lagu magacaabo Somaliland Watching Group ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen kaga hadlay khilaafka Xisbiga UCID, waxaanay warkooda ku sheegeen inay ka xun yihiin khilaafkan soo noqnoday, waxayse ku adkaysteen inaanu Faysal Cali Waraabe kali ku ahayn hurinta khilaafkan iyagoo sheegay inuu khilaafkani uu ku aroorayo madaxtooyada Somaliland halkaasoo sida warbixinta lagu sheegay ay jiraan xubno Madaxtooyada ka tirsan oo arrintani qayb wayn ka ah.

 

Ururkan oo xaruntiisu tahay dalka Canada kana shaqeeya la socoda siyaasadda Somaliland iyo hanaankeeda dimuqraadiyadda ayaa sidoo kale caqli xumo ku tilmaamay burbur ku yimaadda Xisbiga UCID, waxaanay sheegeen inaanu burburkaasi ku koobnaan doonin UCID balse uu saamayn ku yeelan doono xasiloonidaiyo degenaanshaha Somaliland isla markaana uu dumi doono tiir ka mid ah tiirarka dimuqraadiyadda iyo dastuurkuba.

Sidoo kale Warbixintan ayaa lagu sheegay in ururkan caalamiga ah ee shaqadiisu tahay kormeerka dimquraadiyadda Somaliland uu si xoogan u taageersan yahay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyagoo sababtana ku sheegay inuu yahay hogaamiye aragti leh isla markaana ku haboon hogaaminta dalka iyo in Murashaxnimadiisu ay waafaqsan tahay hanaanka iyo shuruucda Xisbiga UCID. Waxaa kale oo ay intaasi raaciyeen inaanu Xisbiga UCID soo baxeen haddii aanu Jamaal Cali Xuseen ka mid ahaan lahayn waa sida ay hadalka u dhigeene.

Uu dambayn warbixintan oo ay Somalilandtoday soo turjuntay ayaa lagu sheegay inay tahay inuu Faysal Cali Waraabe ka mid noqdo xubnaha Xisbiga UCID dhismihiisa ka shaqayanaya ama uu wadada cabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...