Somaliland: Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ku Guul Daraystay In Uu Hakiyo Is Bed-Bedelka Sarifka Lacagaha Qalaad

Date:

Sida ay cadaysay Rugta Ganacsiga iyo Warshada ee Somaliland oo maalin kasta soo saarta qiimaha sarifka lacagaha qalaad,iibka Xoolaha iyo Badeecadaha ayaa muujisay laba warbixinood oo ay soo saartey laba Maalmood oo kala duwan faraqa Lacageed ee u dhaxeeya is bed-bedelka Sarifka lacagaha Qalaad.

Iyada oo warbixinteeda hore ku xustey rugta Ganacsigu in Halkii Doollar lagu sarifaayo 7450 S/land Shilin, Halka maalintii ku xigteyna ay sheegtey in Halkii Doollar lagu sarifaayo 7650 S/land Shilin ah.

Faraqa Lacageed ee u dhaxeeya Halka Doollar ama ku kordhay 200 S/land Shilin ah.

Baanka Dhexe ee Somaliland oo u xil saaran Illaalinta.maamulida iyo xakamaynta Dhamaanba Lacagaha Dalka laga isticmaalo ayaa isagu ka indho qarsada in uu si toos ah uga hadlo saamaynta iyo sixir bararka daashada Danyarta Somaliland mana jirto Masuuliyiinta Baanka Somaliland meel ay kaga hadleen kor u kaca Lacagaha qalaad gaar ahaan Doollarka oo si aad ah looga isticmaalo Somaliland.

Mararka kala duwan oo wax laga waydiiyay masuuliyiinta Baanku waxay ku hal celiyaan in aanay awood buuxda u lahayn hakinta iyo wax ka qabashada sarifka lagacaha qalaad iyaga oo ku edeeya dushana ka saara sixir bararka uu keeno kor u kacaha lacagahaasi Ganacsatada Waawayn ee Dalka.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu magacaabey guddi ka soo talo bixisa Sixir Bararka baahsan ee ka jira Somaliland Guddidaasi oo uu xog-hayn u ahaa agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Cabdilaahi Xassan Aadan,

Guddigan ayaa sidoo kale waxa gudoomiye ka ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxaana ay guddidaasi ku guul daraysatey in ay wax ka qabtaan ama fikrado wax lagaga qabanaayo ay keenaan sidii loo Suulin lahaa Sixir Bararka salka dhigi la, ee Saameeyey Bulshada Danyarta ah ee Somaliland.

Isku soo wada duuboo Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa laga dhursugayaa sida ay u gutaan waajibaadka kala dhantaalan ee ay Wakiilka uga yihiin Shacabka Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...