Guddoomiye ku-xigeenka Sadeexad ee Xisbiga UCID Muj: Cali Guray ayaa ka hadlay muranka ka dhextaagan Xisbiga KULMIYE, ee ku aadan xilka qaadista Xilkii iyo xubunimadii golaha dhexe ee Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaane. Hadalka Cali Guray oo uu ku baahiyay bogiisa uu ku leeyahay shabakada bulshada ayaa u dhignaa sidan.
GARI ALLAY TAQAAN
Talyanle iyo Waabeeye waxay ahaayeen laba xildhibaan oo ka soo baxay Kulmiye ee weli miyay yihiin mise maaha? Hadii aanay ahayn gartay laakiin hadii ay weli xildhibaano Kulmiye ah yihiin Xeerka KULMIYE way ka hor imanaysaa xilka qaadistoodu waayo wuxu dhigayaan in dhamaan xildhibaanada Barlamanka ee Kulmiye ay toos uga mid noqonayaan Golaha Dhexe ee Xisbiga. Sidaa daraadeed waxan u arkaa sharci darro in iyagoo ah xildhibaano Kulmiye ah ay waayaan xibinninada xisbiga iyo ta Golaha Dhexe inta yihiin xildhibaano Kulmiye ah. Sharciga Kulmiye ma ogola xildhibaano Kulmiye ah oo aan ka mid ahayn Golaha Dhexe ee Xisbiga Golaha Dhexena ma noqon karo xubin aan ka tirsanayn xisbigu.”
Cali Yuusuf.