Somaliland: Cali Guray Oo Ka Hadlay Gudida Anshaxa Xisbiga UCID Oo Sheegay Inay Xubinimadii Xisbiga Ka Sareen Gudoomiye Faysal-na Ku Eedeeyey Burburka Xisbiga

Date:

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaa warmurtiyeed uu soo saaray xalay waxa uu kaga hadlay warsaxaafadeed ay soo saareen gudida anshaxa xisbiga UCID oo ay sheegeen inay xubinimadii xisbiga ay ka saareen mujahid Cali Guray.

Waxaana mujaahid Cali Guray uu sheegay inaanay wararkaasi waxba ka jirin isaga oo tilmaamay in shirwayne lagu doortay shirwaynena laga qaadi karo.

Dhanka kalena mujaahid Cali Guraya waxa uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay in losoo adeegsaday burburka xisbiga UCID isaga oo sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan.

Waxaana war murtiyeedka uu soo saaray Cali Guray uu u dhignaa sida tan

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

UCID Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

Justice and Welfare Party

Lحزب العداله والرأة

09/04/2012

UJEEDO: WAR MURTIYEED

Waxan marka hore ka salaamayaa dhamaan bahwaynta xisbiga UCID gudo iyo dibadba. Mar labaadka inta aan ogayn xaqiiqada khilaafka UCID waxan u sheegayaa in xisbiga UCID lagu soo duulay oo la doonayo in la burburiyo oo loo sadqeeyo xisbi kale. Qodobka tiirka u ah qorshaha burburinta UCID waa in la tirtiro heshiiskii badbaadinta UCID oo ah arinka salka u ah soo bixitaankii xisbiga xiligii tartanka doorashada Dawladaha Hoose iyo dhamaan go’aanadii ka soo baxay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa ku qabsoomay bishii Ocktobar 2012kii iyadoo oon haba yaraato eh wax texgelin ah la siinayn Xeerka Xisbiga. Dhamaan talaabooyimka uu qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen intii khilaafkani soo if baxay ayaa dhamaantood ka horimanayaan Xeerka Xisbiga, Go’aamadii Golaha Dhexe iyo shuruucda dalka sida Xeer Lam14 iyo Xeer Lam 21.

Sidaa daraadeed waxan halkan ku cadaynayaa:

– In dhamaan qoraalada dabayluhu sitaan ee ka horimanaya Xeerka Xisbigu ay yihiin waxba kama jiraan

– In aanu jirin xil uu ii magacaabay igana qaadi karo Gudoomiyuhu oo aan u hayay ama u hayo Xisbiga UCID

– In xilkii uu ii igmaday ama ii doortay Golaha Dhexe ee Gudoomiye Xigeenka 3aad aan weli u hayo cid kale oo sharci ahaan loo magacaabi karo ama sheegan kartaan ay ka horimanayso Xeerka xisbiga talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono goorteeda

– In aanay jirin haba yaraato eh xubin UCID ah oo wayday xibinimadeedii dhamaan qoraalada ay faafinayaan shakhsiyaadka ku andacoonaya inay yihiin Guddi Anshax marineed balse iyagu noqon doona kuwa la anshax marindoonaa ay yihiin waxba kama jiraan yihiin

– In dhamaan Bahwaynta UCID oo ay hormood ka yihiin Kaadariinta xisbigu ay u taagan yihiin heegan buuxana ugu jiraan inay fashiliyaan qorshaha iyo dabinada loo soo qoolay xisbigood ee la doonayo in loo sadqeeyo xisbi kale waana difaac ee weerar maaha xaqna way u leeyihiin inay is difaacaan waanay is difaaci karaan qiimo kasta ha ku tagto eh si ay Xisbigooda u badbaadiyaan

Sidaa daraadeed, waxan leeyahay bahwaynta leeyahay dadwaynaha iyo bahwaynta UCID ha ku wareerina qoraalada beenta ah ee loogu talogalay qiiq isku qarinta ee shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee loo adeegsanayo burbirinta UCID xil kasta uu hayo iyo meel kasta uu joogo. Kuaas oo fariinta aan halkan uga dirayaa tahay:

NAFTA GOLALAHEEDIYO HADII GALOWDA LAYS TAABTO

GEESTAYDA WAA FULE NINKII GAAR U FAASHADAYE

GURI BA’AYNA WAA CADOW NINKII RAARTA SII GURAYE

GOBANIMONA WAA QUUS NINKII GAWSKA DHAAFSADAY

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiyaha 3aad

Xisbiga Ucid

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...