Ciidanka Itoobiya Oo Tuuladda Guba Daalaco Ka Qafaashay Sul. Maxamed Sul.Xirsi Qani Iyo Odayaal Kale Oo Nabadayn U Joogay

Date:

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay shalay gelinkii dambe ka kaxaysteen Suldaanka Guud ee beelaha H. Yoonis Sul. Maxamed Sul. Xirsi Qani iyo odayaal  kale  tuuladda Guba Daalaco oo qiyaas 17km ah dhanka koonfureed ka kulaalaysa xadka Somaliland iyo itoobiya, kana tirsan degmadda Gaashaamo ee gobolka Jarar ee kililka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo ay u joogeen xalinta arrin la xidhiidhay dad waxyeelo kala gaadhay oo ka mid ah bulshada uu suldaanka u yahay ee kala degan Itoobiya iyo Somaliland.

Warar uu wargeyska Ogaal ka helay illo wargaleen ah oo ka ag dhawaa aaggaa ayaa sheegay in habeen hore  ay saqdii dhexe tuuladda Daalaco yimaadeen askar ka tirsan ciidanka  Itoobiya, halkaas oo ay Suldaanka iyo duqay badan oo kale oo halkaa u fadhiyay soo afjaridda xiisad dad ehel ah dhex martay. Warku wuxuu intaa ku daray in markii hore ay  askartaasi u sheegeen Suldaanka in ay rabaan baabuurtooda inay kaxaystaan.

Xogahaasi waxay intaa ku ladheen in Suldaanku yidhi kaxaysta, balse haddana ay amreen in suldaanka iyo odayaasha iyo baabuurtooduba  u raacaan dhanka Gaashaamo, isla markaana uu Suldaanku aqbalay, balse ay dadkii deegaanku ka biyo diideen go,aankaa, isla markaana ay dhacday rasaas aan dhibaato gaysani. Warku wuxuu intaa ku ladhay in rasaastaasi sababtay in askartii ay ka tagaan halkaa, oo ay ku laabteen Gaashaamo.

Hase yeeshee ay shalay ku soo laabteen aaggaa iyagoo wata cudud milateri oo ka roon tii hore, isla markaana ay markii hore sheegeen inay doonayaan laba askari oo rasaastii habeenimaddii ka ambaday ciidankooda, kuwaasoo la helay kuna biiray saaxiibadood.

Laakiin ay markii dambe Suldaanka waydiiyeen inuu keeno raggii rasaasta ku riday iyo qoryahoodii, odayaasha deegaankuna ay u sheegeen inay iyagu weerareen habeenimo Salaadiin iyo odayaal  xaajo u fadhiya, isla markaana aanuu jirin ciidan abaabulan oo deegaankaa ahi, balse ay  shacabku ka xanaaqeen mirista loo gaystay salaadiintooda.

Warku wuxuu intaa raaciyay in Sul. Maxamed laftiisu uu u sheegay sarkaalkii ciidankaa watay,in Itoobiya ay ogayd hawsha uu halkaa u tegay, isla markaana wuxuu waydiiyay sababta loo miray xilli habeenimo ah.  Warku wuxuu intaa ku ladhay  markaa kadib ciidanka Itoobiya inay tuuladda Daalaco ka kaxaysteen Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo todoba oday oo kale, halkaana laga saaray gaadhi ciidan, gaadhigiisiina yaalo Daalaco, isla markaana waxa  la sheegay inay xalay fiidkii gaadheen magaaladda Gaashaamo.

Magacyada odayaasha kale ee ciidanku kaxaystay wax aka mid ah, Iimaan Qoodhaf, Cabdi Aadan, Siciid Cabdi Sool iyo Faarax Diiriye Cige.  Laakiin xogahaasi ma sii kala cadayn in la sii dhaafiyay halkaa iyo in kale. Hase ahaatee xogaha Ogaal ka helay aaggaasi waxay tibaaxeen, in Suldaanku markii la qaadayay uu u sheegay dadkii deegaankaa in aanay jirin wax dhibaato ahi balse ay ku soo wada hadlayaan Gaashaamo, si loo ogaado cidda ka dambaysay weerarkii mirista ahaa ee ku dhacay.

Bishii tagtay ayaa dablay qaadwalayaal ahaa rasaas ku fureen jaadwalayaal kale oo ay ishayeen, halkaasoo uu ku naf waayay hal nin, mid kalena uu ku dhaawacmay. Suldaan Maxamed Xirsi qani iyo odayaal kale oo labada dhinac ka soo kala jeedda ayaa aaggaa u tegay dhamaynta xiisaddaa, taasoo la sheegay in ka arrinsigeedu bilaaban lahaa shalay, balse ay hakisay dhacdadan dambe.

Tuuladda Guba Daalaco ayaa dhawr iyo toban kiiloomitir dhanka koonfureed ka xigta deegaanka Goraya Xun ee gobolka Togdheer oo dhaca xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland. Ma jiraan warar madaxbannaan oo tusmaynaya xaqiiqadda oo ka soo baxay dhinacyadda ay khusayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...