Somaliland: Cali Khaliif Oo Si Cad U diiday Xaqul-qaad Maleeshiyadiisu Dalbadeen Iyo Taliye Runta u Sheegay

Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Gudaha Ka Akhri Cod Sir ah Oo Labada Nin Muranka Laga Duubay

“Waar Ciidanka Khaatumo Haddii Qaad La Siiyo Wax Allah Wax Ay Qaban Karaan Ma Jirto, Markii Aanay Qaadka Cunin Baaba La Arkayaaye Anigu Caawa, Berrri Iyo Toddobaadyada Soo Socda…..”

“Warka Loo Socdaa Hadii Uu Noqon Doona Cali Khaliif Baan Oggolayn In Ciidan La Dhiso Anigaan Oggolayn Oo Kharashkoodii Ma Hayo.”-Cali Khaliif.

“Nimanka waxa aad u waddaa waa xabbad qorigiisa iyo naftiisaba isagaa wata, adiguna waxad ku dhici la’dahay inaad boqol nin kharashooda keento waxa aynu wadna

Murankii ugu cuslaa ayaa ka dhex dillaacay hoggaanka saree e kooxda uu hoggaamiyo dagaal ooge Cali Khaliif, waxana la filayaa in dhawaanahan uu deegaannada kooxdaasi joogto uu ka dillaaco dagaal iyaga dhexdooda ahi. Sida ay caddeeyeen codad si hoose loosoo duubay, Hoggaamiyaha kooxdaa Md Cali khaliif, ayaa kasoo horjeestay qorshe ka yimi sarkaalka ugu magacaaban dhinaca maleeshiyada oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Cabdi, kaas oo salka ku haya kharashaad qaad lagu cunayey oo sarkaalkaasi dalbaday. Codadka xubnahaas murankooda laga soo duubay oo warbaahinta soo gaadhay, ayaa wax aka dhex muuqda muran iyo yooyootan laxaad leh isla-markaana ay labada nin ku sigteen inay gacmaha isula tagaan,  kadib markii uu Cali Khaliif kasoo horjeestay qorshaha uu sarkaalkaasi ku dabaday qaad uu sheegay inuu tiro maleeshiyo ah si joogto ah u siinayo. Ugu horrayn dagaal ooge Cali Khaliif, ayaa ka marag furay tamar darrida xubnaha maleeshiyada ah ee ay gacanta ku hayaan, waxana uu sheegay in haddii qaadkooda loo ballan qaado waxqabadkoodu ka liidan doono midka haatan, “marka ay noqoto ciidankii hawl ma gelayo, bashiirow ma waxad I leedahay ciidankii haddii aanu qaad helin shaqo ma gelayo.waar ciidanka Khaatumo haddii qaad la siiyo wax allah wax ay qaban karaan ma jirto, markii aanay qaadka cunin baaba la arkayaaye Anigu caawa, berrri iyo toddobaadyada soo socda anigu Boqol nin kharashkood ma ballan qaadi karo.”ayuu yidhi Cali khaliif.  Markale isagoo hadalkiisa sii wato dagaal ooge Cali Khaliif waxa uu sheegay inaanu marnaba oggolayn in kharash uu ku bixiyo maleeshiyo la dhiso, waxana uu yidhi,“warka loo socdaa hadii uu noqon doona Cali Khaliif baan oggolayn in ciidan la dhiso anigaan oggolayn oo kharashkoodii ma hayo.” Bashiir  Maxamed Xirsi oo sheegta taliyaha koox maleeshiyo ah oo Buuhoodle ku sugan, ayaa intaas kadib hadalka qaatay, waxana uu muujiyey in baahi weyn loo qabo qaadka maleeshiyada sidii meel loo saari lahaa,  “Waxaynu isla fahmi la’nahay ciidanka qaadkoodii, qaadkuna waa sida wax loogu helo ayaa loo siinayaa, haddii loo helana waxbay dhaqaajinaysaa oo fududaynaysaa. Rag boqol nin ka yar baad ka hadlaysaa aniguna wax aka hadlayaa boqol nin”ayuu yidhi Bashiir Maxamed. Bashiir uu su’aal geliyey dagaalka uu Cali Khaliif ku lacag urursado iyo sida aanu u jeclayn inuu jeebkiisa lacag kasoo saaro, ayaa  yidhi,“nimanka waxa aad u wadda waa xabbad qorigiisa iyo naftiisaba isagaa wata, adiguna waxad ku dhici la’dahay inaad boqol nin kharashooda keento waxa aynu wadnaa dhab inagama aha.” Muranka qaadka maleeshiyada salka ku haya ee uu Cali Khaliif kala horyimi sarkaalka ugu magacaaban horjeegidda maleeshiyada, ayaa muujinaya  siyaasad xumida iyo nasiibdarrada haysata Cali Khaliif oo  haatan ka hor safka hore kaga jirey siyaasiyiinta Soomaalida, balse u muuqda mid cirmigiisa kusoo afmeeray daadinta dhiigga maatida iyo waliba aloosidda xaalad colaadeed oo xalkeedu fogaado.

Comments

comments