“Maamulaha Kastamka Airportka Hargeysa ayaa Maanta Lagu Ganaaxay Inuu Bixiyo $500 Oo Xaal ah Iyo Magdhawga Sarkaalka Uu Jabiyay Kadib Markii Uu Budh La Dhex Qaaday Shaqaalaha Kastamka Dhexe.
Maamulaha Kastamka Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Cabdixakiin Cabdilaahi (Galey) oo ay dul heehaybayso fadeexadii ugu cuslaa abid ee soo mara Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,ayaa saaka budh la dhex qaaday Shaqaalaha Kastamka Dhexe ee Hargeysa ee ka soo horjeeda Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa waxaanu gacan ka jabiyay Sarkaal hore u soo qabtay Xilka Maamulaha Kastamka Baligubadle,Iyadoo aan la garanayn sababta iyo ujeeda uu Maamulahaasi dagaalka ula yimid Kastam aanu ka shaqayn.
Warar Madax Banaan oo warbaahintu ka heshay qaar ka tirsan Shaqaalaha Maaliyadda ayaa shaaca ka qaaday in Saaka Kastamka Dhexe ee Maaliyadu isku badelay Xaalad Fawdo ah kadib markii uu halkaasi dagaal gacan ka hadal ah ku soo weeraray Maamulaha Kastamka Airportka Hargeysi oo fadeexado musuq maasuq ku eedaysan islamarkaana uu gacan ka jabiyay Nin lagu magacaabo Maxamed “Biciido Qayilay”,kaasi sida la sheegay salaamay maamulaha balse uu maamuluhu ugu jawaabay dagaal uu u adeegsaday Budh uu ka soo xafay nin ka agdhawaa,waxaana markiiba la xanibay oo ay xidheen Ciidankii goobtaasi ku sugnaa Maamulaha Kastamka Airportka ee dhaawac gaystay waxaana markiiba ninkii dhawaaca ahaa loola cararay Dhakhtarka Wey nee Hargeyssa oo illaa Galinkii dambe lagu dabiibayay.
Lama garanayo sababta uu Maamulaha Kastamka Airportku dagaalka Gacan ka hadalka ugu qaaday Shaqaalaha Kastamka Dhexe balse warar hoose oo aanu helnay ayaa noo Xaqiijiyay in arintani salka ku hayso Xogo musuq maasuq oo warbaahinta la galiyay oo laga baahiyay Maamulaha Kastamka Airportka Hargeysa. Maamulaha kastamka Airporta Cabdixakin Galay ayaa saaka lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan $500 dollars iyo madhawga Sarkaalka uu jabiyay kadib markii arintooda dhex dhexaadin lagagalay.Maamulaha kastamka Airportka Hargeya ayaa ay dul hogaynayaan Fadeexado aad u culus oo ku saabsan Lacago badan oo uu ka lunsaday Qasnada dawlada kadib markii uu Adeegga Zaadka ku urursaday Cashuurihii Kastamkaasi ka soo xeroonayay islamarkaana ay xogtaasi soo gaadhay Qaar ka mid ah Warbaahinta Madax Banaan oo ay daabacday.
Guud ahaan Kastamyada Lacagaha adagi ka soo xeroodaan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa dul hoganaya Musuq maasuq baahsan,waxaana la sugayaa Talaabada ay ka qaadi doonto Wasiirada Maaliyaddu Samsam Cabdi Aadan.