Prof:Cali Khaliif Galaydh ayaa shaaciyay in xidhiidhkii u jaray Dawladda Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somaliya iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaaladda Garoowe.
Kulan ay Mas’uuliyiinta Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf looga galay shacabka ku nool Gobollada – Sool Sanaag iyo Cayn, sida ay ku sheegeen War-saxaafadeed ay kasoo saareen shirkooda.
Prof. Cali Khaliif Galayr oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay muddo dheer ay isku dayeen in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Masiirka ummadda ay metelaan, balse way ka dhego-adaygeen.
“Heshiiska labada wiil ee ilmo adeerka ahi ay ku galeen Degmada Garoowe oo Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku matalayeen, waa mid ummadda Soomaaliyeed u horseedaya bur-bur, waxaana leeyahay – Balaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma lahan,” ayuu yidhi Galayr
Cali Khaliif Galaydh ayaa ka xanaaqey qodob ku jiray Heshiiskii Puntland iyo Somaliya oo ahaa in Puntland oo xuli karto Xildhibaanada Barlamanka Somaliya xubana uga qaybgalay Beelihii wada dhisay Puntland.