War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada burco ayaa sheegaya in uu geeriyooday alla hawnaxariistee Dr Cabdi Adwaahir Cali.
Dr Cabdi Awdaahir Cali ayaa kamid ahaa xubnihii wasiirada ahaa ee xukumadda Somaliland dhawaan iska casilay,waxaana uu ahaa wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada somaliland, sidoo kalena waxa uu kamid ahaa garabkii Isbahaysiga KULMIYE ee qaadacay doorashadii ka dhex dhacay xisbiga KULMIYE waxaana sidoo kale uu kamida marxuunku dhakhaatiirta waa wayn ee Somaliland.
Dr Cabdi Awdaahir ayaa sida naloo sheegy saaka saladii subax yara dareemay wadna xanuun waa sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida familygiisa, intaasi kadiba uu hada Dr Cabdi Awdaahi geeriyooday.
Maydka marxuun Cabdi Awdaahir ayaa hada yaala cusbitaalka guud ee magaalada burco waxaan la galiyay talaagada maydka.
Alla haw naxariistee Dr Cabdi awdaahir aya isagu maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada burco kaasi oo sida la sheegay dib uga bilaabay shaqadiisii dhakhtarnimo gudaha magaalada burco.
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.