Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday, Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye Iyo Ganacsade M. Aw Siciid

Date:

“Faysal Madaxtooyaddaa u dhistay guri laba dabaq ah,  maxay ugu dhiseen, Faysal oo laga reebay waddahadaladdii Turkigga oo ay yidhaahdeen wuu na basaasayaa oo waanu iska reebnay, maxaa …”

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku dhawaaqay in aanu aqbalayn doonin dhexdhexaadin laga galo khilaafka xisbiga Ucid, Islamarkaana wuxuu sheegay in sharciga iyo Maxkamadda ku kala bixi doonaan Gudoomiyaha xisbiga Ucid.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishinka caalamiga ah ee Bulsho Tv, Jamaal oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Imika dhexdhexaadis dooni mayno oo diyaar uma nihin, dhexdhexaadisi way dhawaatay, boqol dhexdhexaadisood baanu ogolaanay, Faysal intaasoo dhan wuu na khiyaameeyay, mar allaale iyo marka lala heshiiyo dhinaca kale ayuu isku rogayaa, faysal waanu isku soo baabanay oo xal dambe ma jiro, faysal waa gardaro garab og, wuxuu isku halaynayaa xukuumadda Somaliland iyo qolooyinka kulmiye oo u carab laalaadiyay, waynu ogaan doonna maxkamadda sarre inay tahay meel kulmiye leeyay oo kulmiye u xukumaysaa iyo in kaleeto.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Sidoo kale, Murashax Jamaal Cali Xuseen wuxuu ka sheekeeyay heshiiskii dhexmaray isaga iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe“Beriggaa aniga Faysal baa ii yimi, anigu Faysal umaan tagin, oo faysal dad buu ii soo diray, suldaankiisa guud, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka makhraatiya. Mar alle iyo markii Faysal dhibaatooday, xisbigiina arkay in aanu dhaqaajin karayn, xisbiga badankiisuna uu waddani galay, cidinna aanay la joogin, dhaqaalenna aanu u ahaynin ayuu Faysal caawimo u baahday. Faysal wuxuu nagu yidhi niyoow bahashii anigu waan ka daalay oo laba jeer baan dhacayee, mar kale isa-sharraxi maayee inaadeer murashaxnimadda qaata oo xisbiga noo soo saara. Marka anigu waxaanu qaadanay murashaxiintii, oo hoggaankii xisbiga Faysal ayaa qaatay badankooda oo anaga waxa noogu jiray gudoomiyaha saddexaad iyo xoghayaha guud.”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Dhinaca kale, Jamaal Cali Xuseen wuxuu ka hadlay xil ka qaadistii uu gudoomiye Faysal ku sameeyay xubno ka mid ah xisbiga Ucid“Markii horre aniga iyo Faysal baa ishaysanay, imika Faysal iyo xisbi baa ishaysta. Faysala markuu arkay xisbigii oo ka soo horjeeda, nin allaale iyo ninkii hadlay, Cali gurayo kaliya maahee, dhawr iyo toban qof buu yidhi waan eryay, waa waali cas faysal waxan uu sameeyay, imika haddii aad eego qodobka 22-aad ee xisbiga awoodaha gudoomiyaha meela kagama jirto Faysal inuu wax eryi karayo, taa waxa ka sii daran inta uu dhawr nina oo isaga agjooga u yeedhay ayuu yidhi waa gudi joogta ah oo cali guraybay eryi karayaan, taasi adeer meesha kuma jirto.”

Jamaal Cali Xuseen wuxuu dhaliilo baahsan u soo jeedayay Xukuumadda Siilaanyo, Xisbiga Kulmiye iyo Ganacasato kale“Faysal waa nin la adeegsanayo, xisbiga kulmiyaanna adeegsanaya. Xisbiga kulmiye wuu arkay in aanu anagu ka dardar fiicannahay, inaan dalka dembi ka galin, in aanu wanaag u wadno. Marka waxay keeneen waliba ninka Muuse Biixi la yidhaahdo oo uu dabadda ka waddo ninka la yidhaahdo ina-aw Siciid iyo xukuumaduba in ay yidhaahdan ninkaasi aanu inala tartamin, si markaa ay taa u carqaladeeyaan ama xisbiga u carqaladeeyaan waxay adeegsaddeen gudoomiyaga, wuxuu u isticmaalay inuu isagu kaash garaysato taasi oo inta uu Madaxtooyaddii hoos gallo yidhaahdo lacag igu siiya, Faysal waxa loo dhisay guri laba dabaq ah yaa u dhisay? Madaxtooyadda u dhistay, isagaanna telefishinka ka cadeeyay, maaha in aan anigu ku caddeeyo, maxay ugu dhisayaan, maxay Faysal u caawinayaan. Faysal oo la yidhi maalintii ugu horraysay waa laga reebay weftigii tagayay waddahadaladda Somalia iyo Somaliland Turkigga oo ay yidhaahdeen wuu na basaasayaa oo waanu iska reebnay, maxaa keenay in faysal laga dhigo ninkii hoggaaminayay weftiga dhan, waxaad ogaanaysaa in Faysal la isticmaalayo oo loo soo isticmaalayo inuu xisbiga Ucid burburiyo, Sowkii Siilaanyo Faysal Ku Lahaa uf, Goormuu Imika Udgoonaaday.”

Jamaal wuxuu sidoo kale, Gudoomiyaha Ucid ku eedeeyay khiyaamo qaran iyo inuu meel ka dhac ku sameeyay shuruucda xisbiga“Kiiska aan ku furi kara waxa weeye, faysal wuxuu doonay in Xisbigii aanu u nimi uu dareenkiisu ahaa inuu na khiyaameeyo, intuu wax nala saxeexday oo caalamkii oo dhami arkaayo, intuu halka soo istaagay yidhi Jamaal nin ka wanaagsan oo faraska looga dega ma jiro, khudbadihiisii oo dhana la hayo.”

Murashax madaxtinimo ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay inuu jiro khalad dhinaca siyaasada ah oo uu galay“Way jirta go’aamo aan jeclaan lahaa in aan dib u eego oo haddaan dib uga fekero. Laba qodob baanna ugu muhiimsan, labadda qodob waxa weeyaan, dadku inta badan waxay odhan jireen, Jamaal waxay ahayd in berigii ururadda, urur cusub furto ayay ahayd, waan ku raacsannahay oo aan eber ka bilaabo oon dad cusub la bilaabo, taasi waa khalad aan odhan karaayo waan galay. Qaladka labaad ee aan galay, markii aan cusub ku biiraayay Somaliland oo dhan ilaa caruurta ilaa inan yar oo 11 jir ah baa igu tidhi Faysal Cali Waraabe Maxaad ugu tagtay wuu kugu qabsanayaa Xisbiga’e.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...