Boqorka Dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al Axmed AlJabir Al Sabaax, ayaa la sheegay inuu balan qaaday inuu ka fiirsan doono inuu maalgelin ku sameeyo dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco, ee xarunta gobalka Togdheer.
Majalada Indian Ocean Newsletter, oo cadadkeedii u dambeeyay warbixin ka qortay safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Kuwait, ayaa sheegtay in boqorka Kuwayt uu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay inuu eegi doono inuu maalgelin ku sameeyo dib u dhiska madaarka Burco, oo ah gobalka uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo.
Wargeysku, wuxuu sheegay inaan la filayn talaabadan, maadaama oo aanu weftiga Madaxweyne Siilaanyo la socon wasiirka duulista iyo hawada. Wargeysku ma bixin faahfaahin dheeraad ah.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii uu dalka Kuwayt ka soo laabtay wuxuu saxaafadda magaalada Hargeysa ugu sheegay inuu boqorlka dalka Kuwayt u bandhigay mashaariic horumarineed oo aanu Madaxweynuhu carabaabin kuwa ay yihiin, waxaana hadaladii madaxweynaha ka mid ahaa “Waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan si gaara uga mahad-celiyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxal-galka ah ee boqortooyada Kuwait ka fulisay dalka, kuwaas oo shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan-yihiin. Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo oo uu kaga soo jawaabi doono si dhakhso leh,”
Geesta kale, boqorka dalka Kuwayt ayaa hore u maalgeliyay dib u dhis iyo casriyayn lagu sameeyay madaarada Hargeysa iyo Berbera, lacagta lagu maalgeliyayna waxay dhammayd 15 milyan dollar.