Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda Mashruuca JPLG

Date:

Madaxweyne  ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa  ugu sareeya Mashruuca JPLG-ga oo Caawiya Dawladaha Hoose.

 

Mashruuca JPLG ga oo Caawiya Dawladaha Hoose iyo Maamul daadejinta ayaa  waxa uu Soomaliland ka bilaabmay 2008,  mashruucan oo ay ku bahoobeen shan haayadood UNDP, UNICEF, UNCDF,ILO, UN-HABITAT ayaa waxay ka wada shaqeeyaan kor uqaadida awoodaha iyo xifadaha dawladaha hoose iyo inay bixiyaan adeegyo hufan iyadoo dhinac ay ka tahay in la hirgaliyo siyaasada maamul daadejinta ee uu golaha wasiiradu ansixiyeen dhamankii sanadkii hore.

Mashruucan oo ka hirgalay 8 degmo  (Hargaysa, Berbera, Borama, Burco, Shiekh, Gabilay, Oodwayne iyo Zayla) ayaan lasoo koobi Karin natiijooyinka ay ka gaadheen iyo sida ay awoodoodu u dhisantay, sidoo kale dawladaha hoose waxay ka helaan maal galin xaga dhismayaasha sida wadooyinka iyo wixi lamida.

Hadaba Wefdigan oo uu  hor kacayo Maamulaha sare ee mashruuca JPLG Poul Simkim oo ay ku weheliyaan BOBIRJAN TURDIYEV (JPLG PMU)    FRIDAH.KARIMI (JPLG PMU),   ABDUBA MOLLU, (JPLG PMU),     DMITRY POZHIDAEV (UNCDF)  iyo MAHDI OMER SHEIKH (JPLG PMU) ayaa saaka kulan la yeeshay Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada soomaalind ahna Hogaamiyaha Mashruuca JPLG iyo Maamul daadejinta ee soomaaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Wasaaraada Arimaha Gudaha oo kala ah Wasiir ku xigeenka Gobolada iyo degmooyinka Mudane JAMA ABDALA WARSAME, Agaasimaha Guud, ABDIFATAH SICID AXMED Agaasimaha Gobolada iyo degmooyinka iyo la taliyeyaasha Mashruucan.

Ujeedada kulankan aya waxa ugu muhiimsanaa in la qorsheeyo sanad hawleedka 2016 iyo sidii loo horumarin laha mashruucan iyo sidii loo  gaadhsiin laha  guud ahaan dalka Somaliland.

Ugu danbayntii Madaxweyne ku xigenka jamhuuryada Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi (Saylici) ayaa  waxa uu sheegay in uu marka hore u mahad naqaayo qaadhaan bixiyeyaasha Mashruuca JPLG-ga taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiiyaan lacag aad u badan. Ugana Mahad celiyay taageerada ay siiyaan Somaliland.

x2 x1 t1 j1 b1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...