Somaliland: Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta U Fadhiistay Ka Doodidda Xeerka Uu Dhawaan Madaxwaynaha Somaliland Usoo Gudbiyay Golaha Wakiilada

Date:

Mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa manta u fadhiistay ka doodida xeerkii uu dhawan madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay golaha wakiilada Somaliland ee ku saabsana in goluhu wax ka badal iyo kaabis ku sameeyo xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha oo mudooyinkii u danbeyeyba muran xoogani ka tagnaa

Waxaana kalfadhigan lagaga doodayay ansixinta wax ka badalka xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha  hogmaaninayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”.

Waxaana kalfadhigan oo ay badiba kazoo xaadireen mudanayaasha golaha baarlamaanka Somaliland loo qaybiyay qoraal ku saabsan in xildhibaanadu ka doodaan ansixinta waxka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka diiwaangalinta.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”oo furay kalfadhigan uu sheegay in mudanayasha golaha loo qaybin doono waraaqo isla markaana ansixinta xeerka layskugu soo noqon doono maalinta bari ah hadii alle idmo.

Kalfadhigan manta u furmay golaha baarlamaanka Somaliland ayaa waxa lagaga doodi doonaa sidii loo ansixin lahaa in xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha wax ka badal iyo kaabis lagu saameeyo taasi oo uu dhawan madaxwaynaha Somaliland usoo gudbiyay aqalka golaha wakiilada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...