Somaliland: Xabaalo Ku Yaala Deegaanka Aw-barkhadle Oo Joog Dheer La Qoday Oo Lafihii Ku Jiray Lala Soo Baxa

Date:

Magaalada Aw-Barkhadle oo ku dhawaad 40Km Magaalada caasimada ah ee Hargeysa kaga beegan jihada Bari ayaa waxa laga soo sheegayaa in halkaasi laga qoday xabaalo ku yaallay, kuwaasi oo la sheegay in lagala baxay lafihii dadkii markii hore lagu aasay.

Arintan oo layaab iyo mucjiso ku noqotay dadka deegaanka Aw-Barkhadle ayaa waxa lagu soo warramayaa in dadka xabaalaha qodanayaa ay yihiin dad ajaanib ah oo dhalasho ahaan kazoo jeeda dalka itoobita waa sida ay noo sheegeen dadka deegaanka awbarkhadle.

Waxaana sidoo kalena ay dadkani noo sheegeen in ay xukumadda Somaliland  timi deegaanka isla markaana ay qab-qabtay ku dhawaad 3 ruux oo arrinkan lala xidhiidhanayo, iyadoona illaa haatan aanay jirin cid si toos ah uga hadashay arrintani oo ka tirsan laamaha amniga ee Somaliland.

Xabaalaha la qoday ayaa la sheegayaa in la qoday joog dheer oo hoose kuwaasi oo la sheegay in ay ku aasnaayeen dad culimadii hore ka mid ahaa.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in xabaalahan la qodo isla markaana lala soo baxo lafaha dadkii ku aasnaa,

Dhanka kale wararka aan helayso shabakada wararka Wargane ayaa sheegaya in ciidamada boolisku gacanta kusoo dhigeen qaar kamida nimanki qodi jiray xabaalaha ee la baxi jiray lafaha dadkii ku aasnaa.

2-88-407x7402-88-407x740 3-68-740x416

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...