“Waxyaabaha noogu daran ee aanu soo aragnay waxaa ka mid dadka soo guuray ee xooluhu ay ka baxeen oo ah sida reer magaalka hooyooyin caruurtoodu isku nuug tahay oo jilicsan oo duruufta haysataa ay adag tahay,” sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo waraysi gaar ah xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyskaDAWAN isagoo ku guda jiray socod gurmad oo ay deeqo cunto iyo biyo ah ku gaadhsiinayeen dadka abaaruhu ku dhufteen ee gobollada Awdal iyo Selal oo uu muddaba safar gurmad ugu maqnaa isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxaa kale oo uu qeylo dhaan u diray ganacsatada reer Somaliland gudo iyo dibad-ba iyo dalalka dariska ah iyo beesha caalamkaba oo uu ka dalbaday in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha ku dhuftay Somaliland oo saddex jirsatay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay imika xaaladu tahay oo uu xusay in ay ugu yaraan 20 kun oo qoys ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah kuwaasoo ku dhaqan ama ku rafaadsan deegaanada gobolada Selal iyo Awdal.
“Dadkii soo hayaamay ee xeebta u soo dhaadhacay oo nugulkii ah, xoolihiina ay ka baxeen iyo dadkeennii deegaanadaa deganaa oo iyagana abaartu ku saddex jirsatay oo jilicsan ayaa is dul yaalla oo xaaladoodu halis ku jirtaa. waxaanay gaadhayaan dadka dhibaataysan ee gurmadka iyo samato bixinta u baahani ugu yaraan illaa 20 kun oo qoys oo isugu jira soo guurtadii iyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee deegaanadaa deganaa waxaanay 20-ka kun ee qoys filiqsan yihiin deegaanada gobollada Awdal iyo Selal. Intii aanu socdaalkan ku gudo jirnay waxaanu dadka gaadhsiinay cuntooyin kala gedisan oo isugu jira kuwa deg dega ah sida Timir Buskud iyo Roodhi, Raashin kale iyo Biyo. Dadka xoolihii way ka baxeen inta u hadhayna way jilicsan yihiin oo xaalad adag ayay ku jiraan dadkuna aad ayay u jilicsan yihiin,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in dadka soo guuray ee ka soo hayaamay dhanka Itoobiya in marka wax la siiyo ee la quudiyo in dib loo raro oo lagu celiyo deegaamadoodii, laakiin dadkii soo guurtada ahaa boqolkiiba 20 % in ka yar ayaa dib u guurtay oo ogolaatay in la celiyo, dadkuna waxay yidhaahdeen halkii aanu ka soo hayaanay nololi kama jirto oo dhibaatadii abaarta ee aanu kaga nimi oo ka sii dartay ayaa ka jirta xoolo aanu la noqonana ma haysano oo xoolihii way naga baxeen.
Midda kale dad in la raro xamilayaba maaha oo waa nugulkii jilicsanaa oo ay baahiduna u dheer tahay. markaa waxaanu rarnay intaanu joognay 20 gaadhi oo 15 baabuurna waxaanu ku rarnay dadkii 5 gaadhina waxaanu ku qaadnay xoolihii halkaa waxaad ka garanaysaa 15 ka gaadhi dadka lagu raray ee xoolohoodiina shan gaadhi ay noqdeen sida dadka xooluhu uga baxeen.”
“Markaa imika waxaanu qorshayna in dadkan halkooda wax lagu siiyo isla markaana gurmadku socdo ALLE barigana la joogteeyo sababtoo ah dhibaatada meesha taallaa maaha mid gacan aadami ay dabooli karayso ALLE oo kaliya ayaa dhibaatadaa abaarta innaga dul qaadi kara RABBI ayaanan ka baryaynaa in uu innoo naxariisto oo uu abaarta innaga soo jabiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha.
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo aanu waydiinay dalka Itoobiya oo ay u dhasheen inta badan dadka soo hayaamay ee Somaliland u gurmatay in ay gacan ka geysatay gurmadka samato bixinta dadka tabaalaysan. Waxaanu yidhi “Illaa imika ma jiro wax Itoobiya iyo dalalka kale ee jaarka ah sida Jabuuti naga soo gaadhay, laakiin Dawladda Somaliland iyo dadkeeda ayuun baa dedaalaya oo waxay awood ahaan hayeen dadkooda ugu gargaaraya, laakiin baaqyo waanu u dirnay dalalka dariska ah in ay naga soo caawiyaan dhibaatada jirta ee ay abaarta saddex jirsatay keentay oo ka weyn awood ahaan haynta Xukuumadda Somaliland, dalalka carabta ayaa iyagu gurmadka nagala qeyb qaatay imikana waxaa la filayaa in ay gacan ka geystaan Hay’adaha caalamiga ahi oo CARE iyo kuwo kale ayaa la filayaa in ay dhakhso gurmadka uga qeyb qaataan imikana meelaha qaar ayay biyo dhaamin ka bilaabeen.”
Madaxweyne ku-xigeenka oo ka jawabaayay su’aal ahayd imika waxa ugu weyn ee ay dadka uga yimaadeen,waxaanu kaga hal celiyay . “ Dadka wax ay cunaan iyo dawo intii haynteennu ahayd waanu gaadhsiinay waxa kale oo aanu hawl gelinay lix ceel biyood oo deegaanada xeebta u badan oo aanu siinay markii hore toddoba cisho shidaal ay ku shaqeeyaan si ay dadka biyaha u gaadhsiiyaan oo ay lacag la’aan dadka ugu waraabiyaan booyadihiina waanu uga nimi oo ceelasha ayay biyaha ka qaadayaan oo dadka ayay gaadhsiinayaan. imikana waxaanu lixdaa ceel uga nimi shidaal ay ku shaqeeyaan 14 cisho oo xidhiidh ah oo habeen iyo maalin ah si ay dadka u waraabiyaan. sababtoo ah dadku ma haystaan wax ay biyo ku iibsadaan oo xoolihii way ka baxeen. mana awoodaan in ay biyo dhaansadaan markaa booyadaha ayaa biyaha dadka gaadhsiinaya dawlad ahaanna waxba kala hadhi mayno awoodayada in aanu dadkaa u gurmano.”
“Waxaanu aragnay iyo sidaanu moodaynay aad ayay u u kala duwan yihiin dadkuna wuu jilicsan yahay xoolihiina way ka baxeen.waxaanan beesha caalamka ugu baaqayaa in ay u soo gurmadaan dadka abaaraha ku waxyeeloobay oo ugu yaraan 20 kun oo qoys ay halis ugu jiraan dhibaatada abaarta taasoo ka weyn, kana awood badan haynta Xukuumadda Somaliland ,”Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.