uddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in guddoomiyaha xisbigaas Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu oggalaaday go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanjal been abuur ah ay ka sameeyeen guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucid isla mar ahaantaana ay umadda u sheegeen wax aan ka soo bixin afka guddoomiyaha xisbigaas Md.Cabdiraxmaan Cirro. Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad ay qabsadeen garabka haweenka xisbiga WADDANI oo u debaal-degaayey sannad guuradoodii 1aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, waxaana uu ugu horreyn hambalyo iyo boggaadin ballaadhan uu u diray guud ahaanba haween weynaha xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii ugu horreeyey ee intii asxaabta siyaasaddu ay jirtay hi
Somaliland: “Cabdiraxmaan Cirro Muu Oggalaan Diiwaan-gelinta La Hakiyey, Muuse Biixi iyo Faysal-na Wanjal Been Ah Ayey Ka Sameeyeen.Aniga iyo Uurcaddena Go’aan Xisbi Ayaanu Ku Hadalnay”.Axmed Muumin Seed
Date: