Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADANI Oo Ka Hadlay Hakinta Ku Timi Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Dhaliilo Xoogana Usoo Jeediyay Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID
Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Cabdirashiid Xasan Mataan Oo wakhti xaadirkan ku sugan wadamada yurubta ayaa ka hadlay qorshaha dib loogu dhigay diiwaangalinta codbixiyayaasha ee gobolada dalka ka soctay.
Waxana uu xoghayuhu uu ku tilmaamay mid la doonayo in dib loogu dhigo doorashooyinka dalka ka qabsoomaya isla markaana ay hawshan daba ka riixayso xukumadda somaliland waxaana uu yidhi
“Waxaad la socotaan in ay xukumadda kazoo baxday barnaamij ay doonayaan in dib loogu dhigo diiwaangalinta iyaga oo ku afgobaadsanaya sabab ah abaaraha awgeed, taasina wax xaqiiqo ahna maaha lkn waa foodsaaro looga dhiganayo inaan dalka doorashooyin ka dhacin, waxay jiidjiideen sharcigii diiwaangalinta oo aad ogaydeen intii jeer ee uu dib udhacay ee ay macal ogaadeen ilaa beesha caalamku”Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan
Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI isago wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray
“Dalka saddexdii sanno ee u danbeeyeyba abaar ayaa ka jirtay haseyeeshee aanay xukumaddu marnaba qaban tabaabushii ay u galli lahayd taakulaynta dadka abaartu saamaysay, xukumaddu markii diiwaangalinta togdheer laga bilaabay abaar baa jirtay dadkuna way ka qayliyeen dhag se jalaq umay siin, waxa ku xigtay awdal oo lawada ogyahay inuu yahay gobolka abaarta ugu adag hayso qaylada mid lamida ayaa ka dhacday waxa la yidhi qorshaha lama badali karo waanay kusoo dhamaatay, manta oo abaarta qaybihii ugu darnayd lasoo dhaafay in food saaro looga dhigto abaartaa jirta oo dib baan u dhigaynaa waxay ka dhigan tahay inaan diyaar loo ahayn in diiiwaangalintani suurto gasho doorashana dalka ka dhacdo”Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Dhanka kale xoghayaha warfaafinta xisiga WADANI waxa uu dhaliilo xoogan usoo jeediyay gudoomiyayaasha labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, sidoo kalena waxa uu sheegay in xukumadda Somaliland ay dab aka riixayso qorshaha dib u dhiga diiwaangalinta.