Somaliland: Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo La Sheegay In Ay Shuruud Adag Ku Xidheen In Dib Loo Dhigo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha

Date:

War deg deg ah oo hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee shabakada Codka somalilans   ayaa waxaa ay sheegayaan in gudida komishanka doorashoyinka Somaliland ay shuurdo adag ku xidheen in la hakiyo diwaangalinta cod bixiyaasha oo shalay la soo jeediyey waxaana ay hordhigeen qodobadan madaxwaynaha somaliland  .

Waxaana shir ay manta yeesheen gudida komishanka doorashooyinku ay isla qaateen in qodobo doora oo la xidhiidha arimaha dib udhiga diiwaangalinta ay hor dhigaan madaxwaynaha Somaliland.

Waxaana wararku ay intaa ku darayaan in gudida komishanku hor dhigeen qodobo doora isla markaana ay ka mid yihiin qodobadan

1)In ay xukuumada Somaliland damaanad qaado dib u dhac ku iman kara doorashooyinka.

2) In ay xukuumadu damanaad qaado lacagta  khasaareysa ee loogu tallo galay shaqaalaha diiwangalinta iyo waxyaalaha kale ee la taxaluqa diiwaangalinta codbixiyayaasha isla markaana loo qoondeeyey in  ay ku baxayso labadan bilood ee la hakinaayo lacag qadarkeda lagu qiyaasay 1 Million oo Dollor iyo qodobo kale oo aan laakiin hada nasoo gaadhin.

wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in gudida komishanka doorashooyinka qaranka ay canaan badan kaga timi dhanka deeq bixiyayaasha calaamiga ah ee iyagu qaybta  ka ah qabsoomida diiwaangalinta iyo doorashooyinka dalka iyaga oo ku adkeeyey inay dawladu ay damaanad qaado qodobadaa iyo kuwo kale oo aan wali nasoo gaadhin.

Waxaana sida ay wararkan sheegayaan ay xukumadda qodobadan la horkeenay ay ku noqotay laf dhuun gashay.

Mar aan isku daynay inaan la xidhiidhno gudida komishanka ayaanay noo suurto galin telefoonkooda oo xidhan awgood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...