Shirgudoonka Guurtida iyo Wakiiladda, ayaa dib u dhigista diiwaangalinta codbixinta u cuskaday qodobo isku mid ah. Isla markaana waxay soo dhaweeyaan baaqa in dadka abaaruhu saameeyeen gurmad degdeg ah loo sameeyo.
Gudoomiye ku-xigeenka koowad ee golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in markii horre laga baqayay in doorashadda dib loo dhigo, balse la isku afgartay in diiwaangelinta la hakiyo inta dalka abaaruhu ka jiraan“Waxaanna la isla qaadaynay in aan doorashadda habeen lagu darin, waxa laga baqayay in doorashu dib u dhacdo. Sannad baa inoo hadhay, marka waxaanu soo jeedinayna shacabka Somaliland iyadoo loo danaynayo in la go’aansaddo in diiwaangalinta dib loo dhiggo.”Ayuu yidhi Baashe
Sidoo kale, Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dad iyo dalba loo gurmaddo dadka tabaalaysan“Golayaashii qaranku inay metel way shireen, waxaanna la go’aansadday in diiwaangelintiina la hakiyo, awoodeenna oo dhanna aynu isugu gayno abaaraha iyo gurmadka dadkeenna iyo dalkeenna.”Ayuu yidhi Saleebaan