Booqashadiisa Oo Ku Beegan Tahay Xilli Wasiirkii Bedelay Booskiisu Dalka Ka Maqan Yahay+ Qoddobo La Weriyey In Uu Ka Codsaday Madaxweyne Siilaanyo In Uu Ka Aqbalyo
Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan Ayaa la weriyey in uu markii u horeysay tan iyo intii uu iska casilay xukuumadda galay qasriga madaxtooyada isaga oo halkaasi kusoo bariidiyey isla markaana cafis kaga dalbaday Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Afadiisa. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa booqashadiisan Madaxtooyada la sheegay in uu dhawaan galay qasriga halkaasi oo raalligelin ula tegey Madaxweynaha, kana dalbaday cafis maadaama uu ku kiciyey dagaal siyaasadeed ooh al mar isaga iyo koox taabacsani iska casileen xukuumadd. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhankiisa aqbalay Raali-galinta wasiirkii hore ee madaxtooyada maadaaama uu ahaa siyaasi da’yar oo uu muddo badan soo gacan qabtay. Geesta kale Marwada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay Xirsi Cali ka dalbatay in uu cafis ka noqdo hadii uu iyada dhankeeda wax ka tirsanayo arintaasina waxa la sheegay in ay ku soo dhamaatay is afgarad iyo calool xaadhnaan siyaasadeed. Booqashadan Xirsi ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka ka maqan yahay wasiirka Madaxtooyada ee bedellay Xirsi, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo dadka siyaasadda u dhuun daloollaa ku tilmaamaan in ay labadan masuul yihiin kuwo dhinaca siyaasadda ku kala aragtiduwan,isla markaana laacdan hoose uumuddooyinkii u dembeeyey ka dhexeeyey xilligii uu Xirsi Xukuumadda ku jiray hase yeeshee markii dembe uu ka lib helay wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo waqtigaas ahaa wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, kadib markii uu hantiyey kalsoonida madaxweyne Siilaanyo isla markaana gufeeyey god-daloolooyin dhawr ah oo uu ku furay Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiir Maxamuud Xaashi oo waftigii Madaxweyne Siilaanyo ee dhawaan u safray dhinaca wadanka imaaraadka ayaa markii ay safarkaas dhamaysteen ee madaxweynuhu dalka ku soo guryo noqday isagu waa wasiir Maxamuud Xaashiye la weriyey in uu safar khaas ah ugu baqoolay wadanka Ingiriiska oo wararku sheegayaan in uu illaa haatan ku maqan yahay.