isbahaysigo iyaga ayaa naga tagay markii hore imikan iyaga ayaa wada hadalo la furay xisbiga waddani marka wax la yidhaahdo isbahaysiga kulmiye ma jiro
Xassan Siciid xoghayha guud ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye waxaa uu sheegay in wax la yidhaahdo isbaheysiga Kulmiye aanay jirin isla markaana ragaasi ay wakhti xisbiga ka mid ahaan jireen balse aanay hada ka mid aheyn oo ay xisbi kale ka mid yahiin .
Xoghayha oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi
” Wax isbaheysiga Kulmiye la yidhaahdo ma jiro , ragaasina waxaa ay ka tirsanaayeen xisbiga Kulmiye lakiin wey ka baxeen xisbi kale ayey galeen oo ay wado hadalo kula jiraan , sidaas darteed xisbiga kama tirsana mana matalaan xisbiga waana niman xor ah oo u madax banaan cida ay ku biirayaan” ayuu yidhi Xassan Siciid xoghayha guud ee xisbiga Kulmiye